KOOXDA uu ku xirnaa CALI XARBI CALI iyo xog kale oo xasaasi ah oo la shaaciyey

London (Caasimada Online) – Cali Xarbi Cali oo ah Soomaali British loo haysto dilka xildhibaan David Amess oo ka tirsana baarlamanka UK ayaa markii ugu horreysya maxkamad kasoo hor muuqday Jimcihii.

Sir David Amess oo ahaa 69 jir ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa Jimcihii 15-kii October lagu dilay mindi, isaga oo dadka soo doorta kula kulmayey kaniisad ku taalla deegaanka Leigh-on-Sea, oo 65 km u jira London.

Cali ayaa waxaa lagu soo oogay laba dambi oo mid uu yahay dil, mid kalena diyaarinta ficil argagixiso.

Dacwad-ooge James Cable ayaa Maxkamadda Westminster Magistrates’ Court u sheegay inay tuhunsan yihiin in Cali uu ku xirnaa kooxda Daacish, inkasta oo uusan bixin faah-faahin intaas ka badan.

Cable ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Cali uu muddo laba sano ah qorsheynayey inuu dilo xubin ka tirsan baarlamanka UK. 

Dacwad oogayaasha ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay in Cali uu daba-gal ku hayey ugu yaraan laba xildhibaan oo kale oo baarlamanka ka tirsan kahor inta aanu weerarin David Amess.

Cali ayaa Maxkamadda uga qeyb-galay muuqaal isaga oo ku jira xabsiga Belmarsh Prison, wuxuuna sheegay oo kaliya magaciisa iyo da’diisa, ayada oo aan wax kale la weydiin. 

Waxa uu mar kale Maxkamadda Old Bailey kasoo hor muuqan doonaa 5-ta November, ayada oo kadibna dhageysiga rasmiga ah ee dacwaddiisa la qorsheeyey bisha March ee 2022. Waxa uu kusii jiri doonaa xabsiga muddadaas.

Sir David ayaa ahaa nin u ololeeya in la caawiyo dadka qaxootiga ah.

Sir David Amess ayaa ka tegay shan caruur ah, wuxuuna dhowr toddobaad un kahor guuriyey gabadhiisa Alex, oo 31 jir ah.

Sir David Amess wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada sida weyn u taageeray ololihii Brexit ee UK ay kaga baxday Midowga Yurub. Waxa uu sidoo kale marar badan kasoo horjeestay sharciyo baarlaman oo lagu taageerayo xuquuqda dadka isku jinsiga ah ee isguursada.