28.9 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Magacyada ku dhowaad 30 qof oo sanado badan si sharci darro ah ugu xiran Garoowe

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Ugu yaraan 29 qof oo loo haysto eedeymo kala duwan ayaa muddo dheer si aan sharciyad ahayn ugu xiran saldhigyo iyo xabsiyo ku yaalla magaalada Garoowe, taas oo si toos ah u khilaafsan xeerarka iyo dastuurka Puntland.

Xadhiggan muddada dheer ah ayaa iftiiminaya dhibaato baahsan oo ka jirta nidaamka cadaaladda ee maamulka. Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa si cad u shaaciyay arrintan dabayaaqadii sanadkii hore.

Wasiirka ayaa xusay in ay jiraan dad sannado badan ku xiran saldhigyada booliska iyadoo aan la horgeyn wax maxkamad ah, taas oo uu ku tilmaamay ku tumasho xuquuqda aas-aasiga ah ee bani’aadamka.

Warbixin gaar ah oo aan helnay ayaa daaha ka rogaysa magacyada 29 qof oo muddo dheer si aan sharciyad ahayn loogu hayo xabsiga dhexe ee Garoowe. Dadkan ayaan helin wax fursad maxkamadeed ah, iyadoo aan la marsiin habraacyada sharciga ah ee uu dhigayo dastuurka Puntland. Tani waxay fadeexad weyn ku tahay waaxda danbi-baarista (CID) iyo hay’adaha garsoorka ee maamulka.

Qoysaska maxaabiistan iyo qareenno madax-bannaan ayaa si kulul u dhaliilay hay’adaha garsoorka iyo kuwa amniga, iyagoo ku eedeeyay in ay dayaceen masuuliyaddii ka saarnayd ilaalinta xuquuqda dadka la tuhunsan yahay. Waxay sheegeen in dadkani ay yihiin muwaadiniin ay ka maqan tahay caddaaladdii ay xaqa u lahaayeen.

“Waxaan ogaanay in dadkaasi lagu hayo hab xadgudub ku ah dastuurka iyo xeerarka dalka,” ayuu yiri mid ka mid ah qareennada u dooda xuquuqda maxaabiista. Wuxuu sidoo kale ku baaqay in si deg-deg ah loo bilaabo dhageysiga dacwadaha dadkaas, lana hubiyo in ay helaan caddaalad iyo difaac sharci ah oo madax bannaan.

Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo su’aalo badan oo ku saabsan hufnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha garsoorka maamulka Puntland, iyadoo dad badan oo u dooda xuquuqda aadanaha ay dalbanayaan baaritaan madax-bannaan oo lagu sameeyo habka ay u shaqeeyaan xabsiyada iyo saldhigyada booliska ee maamulka.

- Advertisement -

Read more

Local News