Kulan xasaasi ah oo hadda u socda mucaaradka iyo 3 madaxweyne goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hadda hotelka Decale oo u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka furmay shir u dhaxeeya Golaha Midowga Musharaxiinta iyo madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Golaha ayaa saddexdan madaxweyne kala shiraya dhaq-dhaqaaqyadii u dambeeyay ee doorashada ee ay qeybta ka noqdeen, kaasi oo lagu iclaamiyay doorasho hal dhinac ah.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo ay bar-bar taagan yihiin saddexda madaxweyne ayaa shalay warbaahinta ka hor shaaciyey inay dowladda gudo gali doonto hir gelinta hanaanka doorashada, xili uu mucaaradku meel adag ka taagan yahay.

Kulanka Midowga musharaxiinta iyo saddexda madaxweyne ayaa waxa kale oo uu daba socdaa kulan uu xalay golaha mucaaridku uu digniin uga soo saaray dhawaaqa dowladda iyo kulamo xalay Qoor-Qoor, Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe ku dhex-maray magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xalay kulan saacado qaatay ay hotelka Decale ay ku yeesheen madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.

Kulanka Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa yimid saacado kadib markii ra’iisul wasaare Rooble, oo ay garab taagan yihiin saddexdan madaxweeyne goboleed, uu ku dhowaaqay in dalka uu galayo doorasho hal dhinac ah.

Xubno ku dhow saddexda madaxweyne goboleed ayaa Caasimada Online u sheegay inay shaki badan ka qabaan go’aankii ay habeen hore qeybta ka ahaayeen ee lagu garaay in doorasho la qabto, isla markaana ay doonayaan in xal la raadiyo.

Qoor-Qoor ayaa isagu sumcaddiisa dilay markii uu ka been sheegay mucaaradka, isaga oo ku eedeeyey in aysan usoo gudbin jawaab uu ka sugayey, halka jawaabta isaga laga sugayey, waxaana lagu wadaa in booskii waan-waanta kala wareegi doona Lafta-gareen iyo Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa imanaya xili ay meel xasaasiya mareyso xiisada doorashada oo ka dhex aloosan madaxda dowladda iyo midowga musharaxiinta, oo iyagu ka biyo diidan hanaanka doorashada.