Daawo: CC Shakuur oo sheegay in hal arrin darteed uusan Farmaajo u tartami karin madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dood ka heenay sharciyadda uu madaxweyne Farmaajo ugu tartami karo doorasho aysan qeyb ka aheyn maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay wax ku qeybsato nidaamka 4.5, sidaas darteedna madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay in hadii aysan doorashada wax ku laheyn cidii uu ku metelayey awood qeybsiga, aysan jirin sabab uu uga qeyb gali karo doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Madaxweynayaasha gobollada ee la leeyahay doorashada qabta waa kuwa Galmudug, K/Galbeed iyo HirShabeelle, iyo doorashada kuraasta walaaleheen Somaliland oo la rabo in anagoo taagan Muqdisho lagu dhaco, isku soo wadaduub Farmaajo intaas ayuu ku tashanayaa,” ayuu yiri CC Shakuur.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Farmaajo waxuu yiri Jubbaland iyo Puntland shaqa kuma lihi oo waan ka soconaa, hade Soomaali waa 4.5 ee xaalku haduu saas yahay, Farmaajo doorashada yuusan ka qeyb gelin, hanoo daayo doorashada haduusan Jubbaland iyo Puntland heynin, anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameyna.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri, “Madaxweyne Qoor Qoor, Madaxweyne Lafta Gareen iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, waxaan ka rabnaa doorasho dalkan laga qada qabto, oo loo simanyahay inay qeyb ka noqdaan, hadii uu madaxweyne Farmaajo diido anaga iyo Shariif Xasan ayaa ku tartameynee hanoo dhaafaan.”

Hoos ka Daawo