Itoobiya oo gacanta kusoo dhigtay saraakiil TPLF ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa weli howl-gallo ballaaran ka wada gobolka Tigray waqooyiga dalkaasi, halkaas oo ay dagaal kula galeen ciidamada weli daacadda u ah Jabhadda TPLF oo laga qabsaday meelo muhiim ah.

General Tesfaye Aylwe oo ah madaxa howlgelinta ciidanka Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyey howl-galladii ugu dambeeyey oo ka dhacay deegaanada buuraleyda ah.

Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen saraakiil sar sare oo ka tirsan TPLF, kuwa kalena ay dileen, sida uu hadalka u dhigay.

Tesfaye Aylwe ayaa intaasi ku sii daray in xubnaha ay soo qabteen oo gaaraya illaa todobo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee deegaanka Tigray Abay Woldu, Dr. Abraham Takese oo sidoo kale ahaa madaxweyne kuxigeenkii hore iyo Getachew Tafara oo ahaa madaxii xafiiska madaxweynaha ee nabadda iyo amniga deegaanka Tigray.

Sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in weli ay ku raad joogto saraakiil sar sare oo ka tirsan jabhadda TPLF, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxweynihii Tigray.

Si kastaba xaaladda gobolka Tigray ayaa weli ah mid aad u adag, waxaana ka jiraan daruufo adag oo heysta ayaa dadka rayidka, in kastoo caaismadda Mekella iyo meelo kale oo muhiim ah ay la wareegeen ciidamada Itoobiya ee weerarka ku qaaday halkaasi.