Shan qofood iyo gaari lagu afduubtay gobolka Hiiraan oo lagu daayey madax furasho

Maxaas (Caasimadda Online) – Waxaa lasii daayay shan qofood iyo gaari ay saarnaayeen oo dhawaan lagu afduubtay dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kadib markii waanwaan laga galay sababta keentay afduubka.

Laba beelood oo wada daga gobolka Hiiraan ayaa isku qabsaday dil horay u dhacay, waana sababta keentay in la afduubto shanta qofood ee lasii daayay, odayaasha labada beelood ayaa heshiis ka gaaray arrimaha jira taasna waxey sahashay iney xoriyadooda helaan dadkii la heystay.

Sida wararka halkaas ka imaanaya sheegayaan, waxey labada beelood ku heshiiyeen in mag laga bixiyo qofkii horay loo dilay, sidoo kalana xoriyadooda la siiyo shanta qofood ee la afduubtay.

Lacag dhan $40,000 (Afartan Kun Doolar) ayaa lagu heshiiyay in mag ahaan loo bixiyo si ay xoriyadoodana u helaan shanta qof ee loo afduubtay arintaas darteed.

Odayaasha dhaqanka labada beelood oo ay arintu ka dhaxeysay ayaana udub dhexaad u noqday xalinta arintii jirtay, waxaana jiray arrimo badan oo ka jira gobolka Hiiraan iyadoo halkaas laga diiday dowladdii lagu doortay Jowhar.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa loo doortay madaxweynaha Hirshabelle afarta sano ee soo socota kadib doorasho ka dhacday Jowhar, balse waa loo diiday inuu gaaro Hiiraan iyadoo la hordhigay shuruudo badan.