Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Balcad

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ka dhacay duleedka degmada Balcad, kaas oo ay fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarka oo ahaa mid dhabagal ah ayaa waxaa lagu qaaday ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya oo ku sugnaa halkaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay ku dishay ugu yaraan saddex askari oo ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay in askartaas ay ka furatay qoryo iyo booshash ay wateen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Seddex askari oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Murtadiinta ayaa ku dhintay weerar kamiin ah oo ka dhacay duleedka Balcad laba qori iyo booshahna waa lagasoo qaniimeystay,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay kooxda Al-Shabaab.

Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay howl-gallo ka bilaabeen weerarka kadib wadada xiriirka magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamada ayaa howl-galkooda ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi, balse ma jirto wa faah faahin ah oo ay bixiyeen saraakiisha horkaceysay ciidankaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ka fuliso waddada dheer ee isku xirta labadaas magaallo oo muhiim ah isku socda deegaanada maamulka HirShabellle.