Dagaal culus oo dhex-maray Soomaalida iyo Canfarta iyo wararkii ugu dambeeyay

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeriya ayaa kasoo baxaysa dagaal xoogan oo ka qarxay deegaano ka tirsan gobolka City ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Liyuu Booliska iyo kuwa Canfarta ee dalkaas.

Dagaalka  ayaa daba socda weerar ay ciidamada Canfarta ay dhawaan ku qaadeen tuulooyinka Gadhmalu, Mayran, Kaldhash ee galbeedka City ee deegaanka Soomaaliada, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan ayaa lasoo warinayaa inay ku geeriyoodeen ku dhawaan 8 ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo kuw dhow 10 ruux, kuwaasi oo isugu jira dhinacyada uu dhex-maray dagaalkaasi.

Waxa kale oo lagu soo waramayaa in deegaanka uu dagaalka ka qarxay ay tageen ciidamo badan oo gurmad ah oo kasoo baxay magaalada Jigjiga, kuwaasi oo ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

Dagaalka ayaa laga cabsi qabaa inuu kusii fido deegaano ka tirsan gobolka, waxayna cabsi xoogan soo food saartay dadka deegaanada ay ku dul dagaalamayaan ciidamada labada dhinac.

Si kastaba, Majiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida iyo Canfarta oo la xiriira dagaalkan sababsaday dhimashada dad badan ee ka socda gobolka City ee galbeedka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.