DAAHIR Geelle oo sheegay sababta aysan u shaacin liiska XUBNAHA NISA ee ku jira guddiyada doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee warfaafinta, Daahir Maxamuud Geelle oo haatan ah musharax madaxweyne oo kamid ah midowga musharaxiinta mucaaridka ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho kaga hadlay arrimo xasaasiya.

Musharax Daahir ayaa ugu horeyntii madaxda dowladda ku dhaleeceyay qabashada doorasho aan loo dhamayn, taasi oo uu ku tilmaamay mid xoog lagu raadinayo, isla markaana la rabo in boob lagu sameeyo, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa markii u horeysay uu shaaciyey sababta Midowga mucaaridka uu uga war-wareegayo soo bandhigida liiska xubnaha ay sheegen inay ka tirsan yihiin NISA ee ku jira guddiga lagu muransan-yahay, midaasi oo ay dalbatay dowladda federaalka.

Geelle ayaa sheegay in mas’uuliyad darro weyn ay tahay inay shaaciyaan magacyada xubno sirdoon ah oo ka tirsan NISA, maadama ay bartilmaameed u noqon karaa cadowga, sida uu sheegay.

“Arrintaas waa mas’uuliyad xumo in mukhaabaraad (NISA) ku jira (Guddiyada) aan soo bandhigno. ma waxaa nagala doonayaa mukhaabaraadka Soomaaliya ee shaqada adag haya ee gobollada cadowga ka howl-gala iyo magaalada inaan magacyadooda gudbino ama liiskooda warbaahinta ka sheegno,” ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhalinyaradaas cadowga u loogi mayno, dowladda waa taqaan dadkii ay soo magacowday, iyadaana laga doonaya inay kasoo saarto.”

Ugu dambeyntiina waxa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dowladda ay guddiga doorashada ka saarto xubnaha ay ka biyo diideen musharaxiinta mucaaridka, kuwaasi oo ay la xiriiriyeen Villa Somalia iyo hay’adda NISA.