Daawo: Ciidamo ka hor-tagaya doorasho aan loo dhameyn oo lagu soo bandhigay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lasoo bandhigay muuqaallo muujinaya in duleedka magaalaa Muqdisho la soo dhoobay ciidamo abaabulan oo la sheegay inay ka hor tegayaan in doorasho aan loo dhameyn lagu qabto magaalada Muqdisho.

Warbaahinta gudaha ayaa tebisay in saraakiisha ciidamadaas ay ku goodiyeen inay tallaabo qaadi doonaa hadii magaalada Muqdisho ay dowladdu ka bilaawdo hir-gelinta doorasho aan heshiis lagu aheyn.

Waxaa lasoo bandhigay muuqaallada ciidamo, hub iyo gadiid dagaal oo lagu feyliyey duleedka magaalada Muqdisho, waxayna ragga hoggaaminaya ku goodiyeen inay gudaha u soo geli doonaan magaalada, hadii la isku dayo in la boobo doorashada dalka.

Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo shalay ay xukuumadda federaalku iclaamisay doorasho aan heshiis lagu aheyn, isla markaana aysan qeyb ka aheyn Jubbaland, Puntland iyo musharaxiinta kale, taas oo abuurtay walaac xoog leh oo isku geedaamay sii jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah siyaasiyiinta ka fal-celiyey ciidamadan lagu soo bandhigay duleedka Muqdisho ayaa sheegay wal-wal badan ay ku abuurtay marxaladan uu dalku ku jiro, isagoo eedeyn u jeediyey madaxweyne Farmaajo.

“Caawa waxaan daawaday muuqaalkaan laga soo duubay maleeshiyaad aad u hubeysan oo dhoolotus ku samaynaya duleedka Muqdisho, lehna doorasho aan heshiis lagu ahayn Muqdisho laguma qaban karo. Runtii wuxuu igu abuuray welwel aad u weyn jihada qaldan ee Madaxweyne Farmaajo dalkaan u wado,” ayuu yiri.

Qoraalka Mahad Salaad ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanan iswaydiiyay Farmaajo ma ogyahay qatarta uu dalka u horseedayo iyo dhibaatada ka dhalan karta ficiladiisa Qaran Dumiska ah. Mise sidii adeerkiis ayuu soo baraarugi doonaa xilli ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen, talada Villa Soomaaliya na meel kale laga agaasimayo?”