Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa galabta booqasho ugu tegay xildhibaannada Puntland ee weli ku xayiran garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo haatan ay ku leeyihiin kulan xasaasi ah.
Kulanka oo hadda ka socda hoteelka Airport oo ay dagan yihiin xildhibaannada Puntland ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda soo korortay, gaar ahaan is-hortaagga lagu sameeyay xubnahan oo kusii jeeday magaalada Garoowe.
Shariif ayaa xubnaha uu la kulmay u sheegay inuu ku xun yahay falka lagula dhaqaaqay, isaga oo dhanka kale cambaareeyay dowladda Soomaaliya.
Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay in deganaan muujiyaan inta xalka laga gaarayo, si loo qaboojiyo xiisadda kala dhalatay dhacdadan.
Goor sii horreysay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno kale oo kamid ah Golaha Samatabixinta ayaa iyaguna maanta u tegay xildhibaannadan oo ka careysan falka lagula kacay.
Maxammed Xuseen Rooble oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu raalligelin siiyo xidhibaannada, kadibna u fasaxo Puntland.
Waxaa kale oo uu ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka iyo xiisadda ka taagan wax ka beddalk Dastuurka, isaga oo eedeyn culus u jeediyay Villa Soomaaliya.
“Xildhibaannada u fasax safarkooda, cudur-daarna kasoo bixi raalli-gelina u raaci, si ay ugu noqdaan deegaan doorashadoodii. Madaxweyne shacabka Soomaaliyeed waxa ay kuugu xantaan waxa aad ku dhagtid iyadoo raalli laga ahayn aad waqti dambe dhulka dhigtid dastuurkan waad ogtahay meesha uu ka bilowday iyo meesha uu u socdo mana soconeyso sida aad u dhoo-dhoobatay” ayuu Ra’iisul wasaare hore Roobe.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

