Kulankii Cabdi Xaashi iyo Mahdi oo lagu kala kacay iyo qodobada la isku mari waayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan maalintii Shalay aheyd ay iskugu yimaadeen labada garab ee guddiga doorashada doorashada Somaliland oo ay kala hogaaminayaan Guddoomiyaha Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi iyo Ra’iisal wasaare ku-xigeenka, Mahdi Guuleed uu kusoo idlaaday fashil, kadib markii la isku fahmi waayay qoddobo uu soo bandhigay garabka Cabdi Xaashi.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland (GSS) ee uu hogaamiyo Cabdi Xaashi ayaa shaaciyey in shirkii shalay ay fashiliyeen garabka uu hogaamiyo Mahdi Guuleed, kaasi oo ay ku eedeeyen inuusan rabin in xal laga gaaro khilaafka doorashada xildhibaanada Somaliland.

“Ajandaha kulanka waxaa ka mid ahaa;- 1.Dhisida maamul wadajir ah (Steering Committee) oo haga doorashooyinka xildhibaanada ka soo jeeda GWSL 2.Goobta doorashada iyo amnigeeda 3.Habraacyada lagu dooranayo Xildhibaanada labada aqal ee Somaliland iyo 4.Dib u midaynta guddiga doorashooyinka ee kala qaybsamay iyo dhismaha guddoon wadajir ah.”

War-saxaafadeedka GSS ayaa lagu sheegay in Ergadii Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ay shirka la tageen niyad-sami iyo hindisayaal waxtar leh oo xal lagu doonayey, gaar ahaan dib u midaynta Guddiga Doorashooyinka SEIT ee kala qaybsan, taasi oo uu ka horyimid garabkii Mahdi Guuleed.

Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo bandhigay in siddeeda xubnood ee heer deegaan doorasho ay dhexdooda iska doortaan guddoonkooda, sida ku xusan qodobka 6-aad faqradiisa (a) ee heshiiskii madasha, ama in dhismaha guddoonka guddiga heshiis siyaasadeed looga go’aan gaadho si la mid ah heshiiskii Shirka Madasha ee magacaabista xubnaha guddiga.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in guddigu iyagoo mideysan ay yeeshaan guddoon labada dhica ah am isla guddoomin (Co-chair), in lagu heshiiyo in marka uu guddoomiyaha Gudiga dhinac qaato, dhinaca kalena ay yeeshaan Guddoomiye ku xigeenka iyo xoghayaha guddiga (Registrar), haddii sidaa lagu heshiin waayana lagu kala baxo gori tuur.

Mahdi Guuleed iyo xubnihii uga qeyb-galay kulankaas ayaa gebi ahaanba diiday soo jeedimaha kala duwan ee Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ayagu u muuqday kuwa wax looga qaban karo khilaafka guddiga Somaliland, islamarkaana horseedi lahaa heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjaro xiisadaas.

“Ra’iisul Wasare kuxigeenka iyo kooxdiisa Wasiirrada ah oo marwalba isku halaynaya Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, ma aha markii ugu horreysey ee ay fashiliyaan dadaalada xalka loogu baadi-goobayo arrimahan murugsan ee doorashada ee waxay xagal daaciyeen dhammaan kulamadii ay labada dhinac wada yeesheen.”

“Waxay ka caga jiideen guddiyadii wada jirka ahaa; waxay fashiliyeen waan-waantii ay odayada dhaganku bilaabeen; waxay ka baxayeen is afgarad kasta oo la gaadho; waxay si is-dabajoog ah isu hortagayeen in qodobada laysla afgarto qoraal lagu sameeyo oo dadka loo soo bandhigo.”

Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland (GSS) ayaa ugu dambeyntiina ugu baaqay Ra’iisal wasaaraha in uu la yimaado talo siyaasi ah oo xal u noqda khilaafka kuna dhisan caddaalad, xili uu dhawaan kulan saddex geesood ah la qaatay Cabdi iyo Mahdi Guuleed.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka