Caro ka dhalatay $30 milyan oo loo qeybiyey xildhibaanada Uganda, si ay ugu iibsadaan…

Kampala (Caasimada Online) – Uganda ayaa toddobaadkan lacag ku dhow 30 milyan oo dollar u qeybisay xildhibaanada, si ay ugu iibsdaaan baabuur cusub, taasi oo caro xooggan ka dhalisay dalkan saboolka ah ee sida weyn uu u saameeyeey cudurka coronavirus.

Mid kasta oo ka mid ah 529-ka xildhibaan ee dalkaas ayaa la siiyey 200 oo milyan oo shilling una dhiganta 56,000 oo dollar, si uu ugu soo iibsado baabuur cusub.

“Waa wax aan la aqbali karin in dowladda ay raaxo u iibiso koox yar oo ka tirsan baarlamanka, oo bishii qaataa mushahar dhan $8,000, halka shacabka badankiis aysan awoodin inay noloshooda quudiyaan,” waxaa sidaas tiri Anet Nana oo u dhaqaaqda xuquuqda aadanaha, islamarkaana ah agaasimaha Midowga Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha Uganaa.

Shaqaalaha xoogsatadaha ah ee Uganda ayaa celcelis ahaan wuxuu bishii mushahar u qaataa 28 dollar, halka macallinka uu qaato 75 dollar.

Moses Isooba, oo ah agaasimaha madasha ururada aan dowliga aheyn ee Uganda (National NGO Forum), ayaa intaas ku daray “Ficilkan waa fadeexad xilli dowladda ay shacabka ka codsaneyso inay ku tabarucaan lacag lagu soo iibiyo tallaalka COVID-19.”

Waxa uu sheegay in lacagtaas loo adeegsan karay in 24 dollar la siiyo midkiiba, 500,000 oo ka mid ah dadka ugu tabaaleysan shacabka.

Afhayeen u hadlay dowladda, Ofwono Opondo oo ka jawaabaya carada shacabka, ayaa difaacay go’aankan.

“Waxaa sidan loo sameeyey in la fududeeyo xiriirka xildhibaanada ay la yeelanayaan kuwa soo doortay. Bulshada rayidka waxay qeyb ka ahaayeen diyaarinta miisaaniyadda, muddo fog ayeyna ogaayeen in xildhibaanada ay heli doonaan lacag ay kusoo iibsadaan babauur,” ayuu yiri.

Tallaabo tan la mid ah ayaa sanaddii 2018 horseeday dibadbaxyo xooggan, ayada oo dadka u dhaqaaqa arrimaha bulshada ay ku xoomeen dhismaha baarlamanka, kahor inta aan laga soo eryin.

Uganda, oo ah dal ay ku nool yihiin 45 milyan oo qof, ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey 91,710 kiis oo COVID-19 ah iyo dhimashada 2,496 qof.

Qiyaastii illaa hal milyan oo qof oo kaliya ayaa illaa hadda la tallaalay.

AFP + VOA