Kursigii Mahad Salaad iyo kii Fahad oo la dooranayo iyo cidda loo badinayo – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya oo hadda banaan ayaa dhawaan la buuxin doona.

Kuraastan waa HOP#086 iyo HOP#147, mid kamid ah kuraastan waxaa dhawaan baneeyay taliyaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad, midna waxaa loo diiday sanadkii dhamaaday Fahad Yaasiin, taliyihii hore ee NISA.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa 3-dii bishaan ku dhawaaqay guddi doorasho oo kumeel-gaar ah, kaas oo ka kooban 9 xubnood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddigaan u igmaday qabashada kuraasta ka banaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh kala diray guddigii madaxa-banaana ee doorashooyinka Qaranka, kaas oo dhinaca kale ay sharciyadii ka dhamaatay.

Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamze waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086.

Kursiga HOP#147 isaga muran badan kama jiro, waxa ka kacay Mahad Salaad oo noqday taliyaha NISA. Wuxuu ku biiray Mahad dhowr taliye oo hay’adda soo maray oo lumiyay kuraastooda xildhibaanimada sida; Sanbaloolshe iyo Xuseen Cismaan Xuseen.

Kursigan ayaa waxa la filayaa in uu kusoo bixi doono nin la yiraahdo Ilyaas Sheekh Axmed, kaas oo beesha iyo taliyaha NISA aanay diidaneyn sida aan kasoo xiganay dad xogagaal u ah howsha kursigan.

Kursiga HOP#086 isaga weli buuq ayaa ka jira, Fahad Yaasiin ayaa waxa lasoo warinaya in weli uu rabo kursiga, si uu gabaad ugu noqdo inta lagu jiro muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh, maadama Fahad Yaasiin loo haysto eedo badan oo dalka ka dhacay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale musharaxiin hore looga hor istaagay in kursiga u tartamaan oo uu kamid yahay nin la yiraahdo Khaalid ayaa weli raba kursiga.

Xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa wararka qaar sheegayaan in kooxdiisa UPD ay ku cadaadinayaan inuu markale u istaago kursiga.

Faarax hadda waa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya. Weli ma cada in uu go’aansaday inuu kursiga qaato, laakiin haddii Faarax uu rabo fursad fiican ayuu leeyahay maadama xukunka dalka ay saaxiibadii haystaan.

Kooxda madaxweyne Xasan Sheekh kursigaan muhiim ayuu u yahay, waana lagu dhibi karaa haddii uu jiho kale aado, waana sababta qaarkooda wax qorsheeyo ugu doodayaan in si walba Faarax uu qaato kursiga HOP#086.

Mid kamid ah astaamaha lagu fahmi karo inay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh qorshe fog ka leedahay xukunka dalka waa sida ay kursigan u maareeyaan oo marna culeys ku noqon kara marna caawin kara, ayey leeyihiin falanqeeyayaashu.