Hargeysa (Caasimada Online)-Waxaa goordhow is casilaad ku dhawaaqay La-taliyaha Madaxweynaha maamulka Somaliland ee arrimaha Doorashooyinka C/llaahi Xaaji Cumar Jawaan.
C/llaahi Xaaji Cumar Jawaan, ayaa Is casilaadiisa ku sababeeyay faragalin xad dhaaf ah oo lagu hayo arrimaha isaga khuseeya.
”Waxaan isku casilay Siilaan dartii waayo waxaa wanaagsan in leysku taxgaliyo howlaha, marba haddii aan ahay La-taliyaha Madaxweynaha maamulka Somaliland ee arrimaha Doorashooyinka hadana wax talo ah leyga qaadaneynin xilka waan uga tagay Siilaanyo”
Jawaan, waxa uu sidoo kale sheegay in wixii maanta ka danbeeya uusan kamid aheyn Xisbiga Muxafidka ah ee Wadani.
Jawaan, waxa uu sidoo kale sheegay in Doorashada Somaliland ay halis ugu jirto qabsoomid la’aan waxa uuna mar kale ku celiyay inaanu jirin wax xushmad ah oo dhanka Madaxweynaha looga hayo xubnaha gacanta ku haya arrimaha Doorashooyinka.
”Waxaan cadeynayaa in Doorashada aysan ku dhici doonin sida loogu tallo galay waayo waxaa faragalin aan caadi aheyn ku haya Madaxweynaha waxaana suuragal ah in Doorashada ay dib u dhacdo”
Dhinaca kale, Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaan wali ka hadal hadalka kasoo yeeray La-taliyihiisa is casilay ee Jawaan.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

