Ahlu Sunna oo ku qanci weysay magacii loogu qoray warqaddii Casuumadda ee dowladda!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta dib dhac ku yimid dhex dhexaadinti ila filayey inay Muqdisho ku dhex marto Maamulka Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljameeca, wuxuuna kulankaas u baaqday xuska 12-ka April oo ah maalintii la aasaasay ciidamada xoogga Soomaaliyeed.

Haddaba waxaa hadda soo baxayo Khilaaf iyo ismari waa ka taagan casuumadii ay dowladda Soomaaliya u dirtay Ahlu Sunna Wal-Jameeca oo filayey inuu uga soo qeybgalo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Saadaq Sheekh Yuusuf.

Dowladda Soomaliya ayaa waraaqdii Casuumadda ay u dirtay Ahlu Sunna ku qortay (Ahlu Sunna) taasoo keentay inay ka carooto, waxayna dalbadeyn in Waraaqdaas lagu soo qoro Maamulka Dowlad Goboleedka Gobolada dhexe oo ah maamul ay dhawaan ku dhawaaqday Ahlu Sunna.

Arrintaas ayaa sababtay khilaaf iyo is qabqabsi dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna, waxaana ugu dambeyntii arrinta soo kala dhex galay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qadka Taleefoonka kula hadlay  Gudoomiyaha Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir.

Waxaa la filayaa intii caawa ah in la qanciyo Ahlu Sunna laguna qanciyo inay casuumadda ku qaataan magaca lagu soo qoray si uu berri si rasmi ah uga furmo Muqdisho dhex dhexaadinta Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Dhawaan ayey aheyd Markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Juxa iyo wafdi uu hoggaaminayey ay u dhoofeen Cadaado, halkaas oo ay Madaxda Galmudug kusoo qanciyeen inay doorashada dib u dhigaan lagana dhigo 30 Bishaa si inta ka horeyso loo qanciyo Ahlu Sunna.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Alla.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com