Muxuu ka dhigan yahay go’aanka ay AMISOM garoonka Muqdisho ugu diideen wasiir Maryan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa is hortaagay in Wasiirka Gargaarka ee XFS, Drs. Maryan Qaasim gasho gudaha Garoonka.

Wasiirada ayaa xiliga loo diiday galida Garoonka Aadan Cadde halkaa kula balansaneyd Madaxda Xafiiska EU-da ee Arrimaha Somalia oo ay kala hadli laheyd garab istaaga DFS iyo ka qeybqaadashada Gurmadka Abaaraha Somalia.

Wasiir Maryan ayaa laga celiyay Albaabka Madina Gate waxaana is hortaagay ilaa 5 Askari oo sheegay inaan lagu wargalin booqashada Wasiirada.

Wasiir Maryan Qaasim waxay aad uga carootay habdhaqanka ilaaladda AMISOM oo iyaga u muuqday inaysan lahayn dhaqanka Asluubaysan ee lagu maamuso Madaxda XFS.

Amarka lagu celshay Wasiir Maryan ayaa waxaa lahaa Taliyaha ciidamada AMISOM, gaar ahaan Ilaalada iridka hore ee Madina Gate.

Wasiirada ayaa laga diiday Aqoonsi ay wadatay oo ay tustay Ilaalada Albaabka Madina Gate oo ay dooneysay inay ka gasho.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in Ilaalada Albaabka Madina Gate ay ku jeesjeesen Wasiirada, isla markaana si kaftan ah ku yiraahdeen inaanu garaneynin Wasiirada Xukuumada cusub, sida laga soo xigtay mid kamid ah dhalinyaradii la soctay Wasiirada.

Marka si kale loo dhigo Xushmad la’aanta ay Ilaalada kula dhaqmeen Wasiirada waxa ay bahdil ku tahay guud ahaan DFS, Gaar ahaan Xukuumada Somalia oo aan wali helin aqoonsiga AMISOM.

Dadka qaar ayaa is weydiinaaya in DFS ay u madaxbanaan tahay dalkeeda iyo inaysan laheyn awood ay ku xakameyn karto Shisheeyaha AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Diidmada ay Ciidamada AMISOM diideen galitaanka Wasiir Maryan Qasim ee Garoonka ayaa ka dhigan inaanu jirin talo ama xushmad ay Madaxda Soomaalida ka heystaan dhanka AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaa aad uga walwalsan go’aan dhawaan kasoo baxay Madaxweynaha Somalia kaa oo ahaa in Ciidamada Qaranka lagu bedelaayo kuwa AMISOM isla markaana kuwa shisheeye ay dib ugu laaban doonaan dalkooda.

DFS ayaan wali ka hadal sharaf dhaca ay Ciidamada AMISOM u geysteen Wasiir Maryan oo la rumeysan yahay inay kamid tahay Wasiirada loogu jecel yahay Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com