Laba beel oo ku dagaalamay CADALLE oo la heshiisiiyey

Waxaa si farxadeed kusoo dhamaaday mideeyntii iyo iscafintii guud ee walaaha dega tuulooyinka hoostaga Degmada Cadalle.

Dowladda Hirshabelle State waxay waqti aad u dheer kadib ay ku guulaysatay in si nabdoon ay u mideeyso beel walaala ah oo dega tuulooyinka hoos yimaada Degmada Cadalle.

Walaalaha dhibaatadu kala gaartay ayaa kuhishiiyay in iscafin guud ahaan,in si midnimo iyo walaalimo loogu noolaado sidii loogu noolaan jiray,in walaalaha ay wada wadaagaan wax waliba ay wada leeyihiin iyo in bisha soo socota kulan guud oo laga wada marqaati yahay leeyskugu yimaado ,si tusaale ugu noqoto dhamaan ehelka kasoo jeeda gobalka shabeellaha dhexe iyo guud ahaan deegaannada Hirshabelle.

Ehelka walaalaha ah waxeey mahad ballaaran ujeediyeen dhamaan Madaxda Hirshabelle,Gudoomiyaha Gobalka Shabellaha dhexe.

Waxeey sidoo kale amaan mahad naq ah iyo duco isugu dareen Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle Ali Guudlawe Hussein oo ah higaamiyihii lahaa billowga gogosha nabadeed iyo midnimada lagu guuleeystay.

Xafiiska Warqabadka ee Lataliyaha sare ee Dhanka Saxaafada ee Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle State.

Mahadsanidiin !
Hassan Abdikadir Mudey