Sawirro: KHEYRE oo amar adag duldhigay maamulka Bankiga Dhexe ee dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre oo maanta gaaray xarunta bankiga dhexe ee Somalia ayaa halkaa kula kulmay mas’uuliyiinta Bankiga.

Ra’isul wasaare Kheyre oo booqashadiisa aan kusii wargalin mas’uuliyiinta Bankiga ayaa ku amray hubinta kharashaadka ay bixiyaan.

Waxa uu sheegay in amarkiisa uu yahay mid dabagal leh, isla markaana lagu muujinaayo taxadarka Bankiga Dhexe, si looga hortago in xoolaha dadka ay si khaldan u baxaan.

Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu maamulka Bankiga faray in mar waliba ay u diyaar garooban isla xisaabtan joogta ah, isla markaana aan laheyn wargalin.

Sidoo kale, Ra’isul wasaaraha dalka Xasan Kheyre ayaa maamulka Bankiga ku adkeyay ilaalinta ammaanadda ay u hayaan ummadda isaga oo kula taliyay in nidaamka xisaabaadka bangiyada lacagaha lagu bixiyo lana yareeyo in lacag kaash ah la bixiyo si haddii loo baahdo looga daba tagi karo.

Waxa uu sidoo kale amar ku bixiyay in la sahlo bixinta mushaaraadka ciidamada dowlada si buu yiri loo dhiiri galiyo ciidamada oo xili waliba usoo jeeda howlaha amniga.