Dagaalka baraha bulshada ee Xoosh iyo FIQI oo aan hal mid ka baran karno

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dagaal xoog leh oo u dhexeeya Wasiirka Dastuurka dowladda Federal-ka ah Cadi Xoosh iyo Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa ka dhex qarxay barta Facebook kaddib markii uu wasiirka soo dhigay muuqaal 2016kii laga duubay xildhibaanka.

Muuqaalka uu Xoosh ka soo qaatay Fiqi waxa uu ahaa mid la duubay dabayaaqadii 2016 waxaana joogay qaar ka mid ah saxaafadda iyo waliba siyaasiyiin badan oo diidanaa nidaamkii xilligaas sida Tarsan.

Muxuu ka yiri Xoosh?

“Xilhibaan Ahmed Fiqi oo ka hadlaya Musuqmaasuqii baahsanaa sannadadii 2015/2016, markuusan wali naqan xildhibaan, iyo hadda xulufadiisa eega. Bal adba!! Waan xasuus yaraannay kulligeen ma istiraahdeen??”

Jawaabtii Axmed Macallin Fiqi

“Mid ka mid ah wasiirada shaqo la’aantu heyso ee mid ka mid ah wasaaradaha dalka ugu muhiimsan xilkooda hadda haaya waa Xoosh Jibriil (il-duubte) ayaa si xun u soo xigtey asagoo soo jarjarey hadal ku saabsanaa musuqmaasuqa oo aan horey u iri!

Musuqmaasuq waqti uu xalaal yahey marnaba ma jirto, welina ololihii musuqmaasuq la dirirka ee aan ku jirey halkiisii ayaan ka sii wadayaa, musuqmaasuqii aan waagaas ka hadlayey mid ka xun oo ka badan ayaa hadda xukuumadda uu wasiirka ka yahey Xoosh ka dhex socda, balse Xoosh wuxuu ka duubtey indhihii oo umaba jeedo, wuxuu ka doorbidey in uu khubdooyinkeygii jarjaro asaga iyo kooxaha naflacaariga ah ee dacaayaddu hubkooda siyaasadeed uu yahayn ay ku faafiyaan boggiisa iyo bogag kale oo baraha bulshada ah.

Xoosh sanadkii 2012-kii dastuurka dalka wareeriyey oo mijaha iyo madaxa dawladnimadii iyo hey’adaheedii isaga xirey waa ninkii ka mas’uulka ahaa ee u gacan geliyey dad ajnabi ah iyo Mahiga oo markaas xafiiska qaramada midoobey joogay, mana jiro musuqmaasuq ka weyn midkaas oo dalkaan ka dhici lahaa, waxaa ayaandarro ah in ninkaasi uu weli mas’uul ka yahay dastuurkii dalka oo lagu abaalmariyey dhibaatadii uu dalka u geystay, asagoo ay wada shaqeyn la’yihiin guddiyadii madaxa banaanaa ee dastuurka iyo dawlad goboleedyadii..

Waxaa xusid mudan in Xoosh oo aqoon sharci loogu xuley wasaaradda dastuurka ay noo sheegeen dadkii yaqaaney in shatigii qareenimada dalka Kanada lagala noqdey, mas’uuliyad-daro xirafadda qareenimada ku saabsan oo uu ku kacey awgeed, welina anshax xumadii ayuu asagoo wasiir sheeganaya ka muuqata, waxaana kula talin lahaa in uu ka waantoobo dacaayadaha raqiiska ah iyo ciyaal iska dhigidda, ilaaliyana mas’uuliyadda iyo xilka uu umadda u haayo.”

Hadaba weerar iyo weerar celiskaas maxaan ka baran karnaa?

In muddo ah waxaa caado noqotay in siyaasiyiinta isku haya xukunka Soomaaliya ay is dadban iyo bareerba isu weeraraan iyada oo waliba aad u xoogeysatay wixii ka dambeeyey 2017.

Hase ahaatee, waxaa muuqata in siyaasiyiinta Soomaaliyeed uu biseyl badan ka muuqdo maadama ay inta saxaafadda haddii ay ahaan lahayd warbaahinta ama baraha bulshada isku dhaliilaan ama si bareer ah isugu wareeraan hadana aad arkeyso iyagii oo Hotel-lada waa weyn ee magaalada ku wada cabaya Kafeega!

Waa biseyl iyo ugu yaqaan qaan gaadhinimo muujineysa halka ay siyaasadda Soomaaliya gaadhay sanadan dambe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com