Laba dhinac oo saameyn xoogan ku leh magacaabista ra’iisul wasaaraha cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in dhawaan uu shaaciyay qofka uu u xushay raysul wasaaraha cusub, si loo soo dhiso xukuumad la wareegta talada dalka.

Ilaa iyo hadda, si rasmi ah looma xaqiijin qofka uu noqonayo ra’isulwasaaraha cusub, waxaana baraha bulshada ee ay Soomaalidu ku wada xiriirto lagu faafiyay magacyada shakhsiyaad kala duwan.

Sida caadiga ah, ra’isulwasaaraha cusub ayaa lagu soo magacaabaa muddo 30 maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa marka la doorto Madaxweynaha. Xasan Sheekh ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 15-kii May.

Haddaba qormadan waxaan ku eegi doonnaa shakhsiyaadka iyo siyaasiyiinta saameynta ku yeelan kara magacaabista la filayo inay dhowaan dhacdo.

Hoggaamiyeyaasha Jubbaland iyo Puntland

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in ugu yaraan laga talo-geliyo qofka loo magacaabayo raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Sababta ugu weyn ayaa ah in sida qaalibka ah uu qofkaas noqon karo mid ka soo jeeda deegaannadooda, marka la eego saami qeybsiga 4.5 ee uu ku salaysan yahay awood qeybsiga siyaasadda Soomaaliya.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa sidoo kale taageero siyaasadeed u muujiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, hadda oo uu hoggaanka hayo iyo weliba markii uu waday ololaha uu ugu jiray madaxtinnimada Soomaaliya.

Waxay ka filayaan Madaxweyne Xasan ayaa ah inuu keeno qof ay saddexdooduba ku qanacsan yihiin, isla markaana ay wada shaqeyn karaan.

Saaxiibadda siyaasadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu leeyahay saaxiibbo siyaasadeed oo isugu jira kuwo ay isbarteen inta aanu siyaasadda soo gelin iyo kuwo ay saaxiibtinnimadooda soo billaabatay markii koowaad ee uu noqday madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa markii koowaad ee la doortay 10-kii September 2012 waxa uu 25 maalin kaddib raysul wasaare u magacaabay Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Raysul wasaare Saacid ayaa la sheegay inuu ka yimid dhanka saaxiibbada Xasan Sheekh, maaddaama xilligaas aanay jirin hoggaamiyeyaal maamul-goboleed oo u abaal sheegan karay madaxweynaha.

Waxaa mar kale suurtagal ah in saaxiibbadda siyaasadeed ee madaxweynaha ay saameyn ku yeeshaan cidda uu ka dhigayo raysul wasaaraha.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shuruudaha ugu waaweyn ee uu ku dooran doono raysul wasaaraha cusub ay tahay inuu noqdo qof ay wada shaqeyn karaan, si loo yareeyo khilaafka soo noq-noqday ee dhexmara madaxweynaha iyo raysul wasaaraha.

Xilligii koowaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu magacaabay saddex raysul wasaare oo labo uu baarlamaanku u qaaday codka kalsooni-darrada, halka kan saddexaad, waa Cumar Cabdirashiid, ay isla dhamaysteen iyagoo uu khilaaf dhex yaallo.

Madaxweynihii hore, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa isna magacaabay labo raysul wasaare, inkastoo uu horay u ballanqaaday inay isla dhamaysan doonaan Xasan Cali Kheyre oo ay isla billaabeen.

Xigasho: BBC Somali