Laba Musharax oo ka tanaasulay doorashada iyo wareegii u dambeeyey oo bilowday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharaxiinta wareega koowaad galay kaalmaha 3aad iyo 4aad ayaa ka tanaasulay tartankii wareega labaad, iyagoo fududeeyay, waqtigana eegay, si aanu tartanka u dheeraan.

Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla ayaa sheegay inuu tixgelinayo Xildhibaanada qaar oo ka codsaday inuu tanaasulo, sidaas uu ku go’aansaday inuu fududeeyo, waxaana uu ku taliyay in la doorto shaqsi ka bixi kara mas’uuliyadda uu leeyahay xilka Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Sidoo kale C/casiis Lafta Gareen oo ah Musharaxii kaalinta 3aad galay ayaa isna ka mahad celiyay Xildhibaanadii siiyay cododka, isla markaana ka tanaasulay inuu u sii tartamo wareega labaad.

Haatan waxaa la guda galayaa wareega labaad oo ay ku tartami doonaan Maxamed Mursal sheikh Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yaroow.