Midowga isku tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ah oo codsi u diray madaxda Dowladda DFS

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ah ayaa ka codsaday Madaxda Sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, inay soo farogeliyaan arrin musuq-maasuq baahsan salka ku haysa oo cirka isku shareertay maamlmihii ugu dambeeyey.

Tan iyo bilowgii bishii March ayaa waxaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed wadday qorshe ay seddaxda shirkadood ee duulimaadka Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star ugu wareejineyso xuquuqda xamuulka qaadka, iyadoo shirkadahaan si gaar ah loogu ogolaaday inay qaadka keeni karaan gobolka Banaadir iyo gobollada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Arrintaani waxay caqabad ku noqotay shirkadaha kale ee keena qaadka, qaasataan Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ah, kuwaasoo ay leeyihiin ganacsato yaryar oo isku tegay, waxayna ku eedeeyeen Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliyeed iyo Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada inay xuquuqdoodii ku tunteen.

Qorshahaan, ayaa waxaa loo arkaa mid ay dabada ka riixayaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad iyo Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle), kuwaasoo heshiis hoose la galay shirkadaha duulimaadka Blue Bird Aviation, Skyward iyo Golden Star – Maamulka Isku Tagga Shirkadaha Duulimaadka Rayidka ayaana cod-dheer kaga dalbaday Madaxda Sarre ee Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wax ka qabtaan arrinkaan.

Tani waxay kusoo beegmeysaa xilli shalay uu Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu ka digay halista musuq-maasuqqa iyo nin-jecleysiga, iyadoo uu ku hanjabay inay dowladdu xafiisyadeeda ka raacdeyn doonto shaqsi walba oo lagu helo masuq-maasuq.