Wareeggii koowaad ee doorashada oo lagu kala baxay iyo 4 musharax oo soo gudubtay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa soo idlaatay tirinta codadka wareegga koowaad ee Doorashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ahna sii hayaha xilka Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku dhawaaqay natiijada.

Muudey ayaa sheegay inuu kooramka Xildhibaanada ahaa 266 Xildhibaan oo maanta xaadir kusoo moqday kulanka baarlamaanka.

Wareegga koowaad waxaa ku tartamaya 10 musharax oo u taagan xilka guddoomiyaha, waxaana isla wareega ku guuleysan lahaa musharaxii hela aqbaliyadda codadka xildhibaannada oo ah 139, taasoo aan hadda muuqan.

Waxaa codadka la tiriyey ugu horeeyay Tirinta codadka ayaa waxaa ka muuqata inaysan cidna heli doonin aqbaliyad iyadoo ay isku dhow yihiin saddexda musharax ee Maxamed Mursal C/raxmaan, Ibraahim Isaaq Yarow, iyo C/casiid Laftagareen.

1 -Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 83

2- Ibraahim Isaaq Yarow 69

3- C/casiis Xasan Maxamed 54

4- Shariif Maxamed Cabdalla 19

5- Cali Sheekh Mohamed Nur 16

6-  Imaan cabdullaahi Cali 3

7- Idiris Dhakhtar 3 cod

8- Shariifunaa Maye 5 cod

9- Maxamed Macalin Yaxye 7

10- – Saalim Caliyow Ibraahim   7 cod