Laba qodob oo la qariyey oo looga hadlay shirkii Xasan iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa Isniintii lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho.

Marka  la eego war murtiyeedka ay soo saareen madaxda macno la’aan ayuu noqon karaa, balse waxaa jira waxyaabo aan warqadda lagu qorin, balse ahmiyad weyn u lahaa shirka oo ay madaxda isku soo hadal qaadeen.

Dadweynaha waxay sugayeen inuu shirka golaha wada-tashiga qaran jiheeyo kacdoonka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, laakiin sida loo dhigay qoraalka ay madaxda soo saartay ma muuqan macno weyn fartana kuma aysan fiiqin madaxdu dariiq fudud oo lagu garab siin karo beelaha hubka qaatay ama lagu soo afjari karo Al-Shabaab.

Waxaa jirtay laba qodob oo si weyn isha loogu wada-hadayey inuu shirku taabto, waana muranka lacag boqol Milyan ah oo uu bixiyey Bankiga adduunka iyo muddo kororsiga ay madaxda maamullada qaar sameysteen.

Inkastoo aan arrimahaas war-murtiyeedka looga hadlin, haddana xogta gaarka ah ee aan helnay waxay sheegeysaa in laga hadlay qodobada kala ah:

  1. Arrinta lacagta

Madaxda ayaa isku soo hadal qaaday cadadka maamul goboleed walba laga siinayo lacag boqol Milyan ah oo dollar ah, taas oo Bankiga Adduunka uu bixiyey.

Maamul walba waxaa markii hore loo qorsheeyey Afar Milyan oo Dollar, laakiin Puntland ayaa dhinac isaga riixday xisaabtaas.

Shirku wuxuu is afgaarad hordhac ah ka gaaray in Puntland loogu daro 2 Malyan oo Dollar oo la gaarsiiyo lix Malyan, waxaa kaloo isku soo dhawaansho laga sheegay in maamul walba laga jaro 500 Kun oo Dollar oo Puntland la siiyo Lix Malyan, maamullada kalena la siiyo min 3.5 Malyan oo Dollar.

Heshiiska arrintaan lama dhameystirin wada-hadal ayaana ka dhiman, laakiin ma jiro maamul diidan in Puntland la siiyo 6 Malyan oo Dollar, dabacsanaan in wax laga jaro ayey muujiyeen maamulada sida uu xaqiijiyey mid kamid ah madaxda maamulada oo aan la hadalnay.

Puntland waxay ku doodeysaa in marka la eego howlaha ay gacanta ku heyso iyo da’da ay jirto inay mar walba xaq u leedahay inay wax dheeraato maamulada kale.

Warar dheeraad ah oo isla qodobkaan ku saabsan ayaa sheegaya in maamulada qaar qabaan in 1 Malyan oo Dollar iyaga laga jaro Hal Malyan ay ku darto dowladda federaalka ah oo sidaas labada Malyan ee dheeriga ah lagu siiyo Puntland.

  1. Arrinta muddo kororsiga

Qodobkaan oo aad isha loogu wada-hayey ayaa la xaqiijiyey inuu halmar si dulmar ah uga hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud intii uu socday shirka.

Madaxweynaha wuxuu ku yiri maamulada arrimaha muddo xileedka si guud ayaan go’aan uga gaareynaa ee waxaan gaar gaarka ah iska dhaafa , iyadoo Galmudug si gaar ah loo yiri idinkuna waxaan aad hadda wadaan joojiya

Qoo Qoor oo isla qodobkaas goobta uga jawaabay waxaa la sheegay inuu yiri ma jiraan wax gooni ah oo aan wadno .

Hadalka madaxweyne Xasan Shiikh ee ah in si guud go’aan looga gaaro muddo xileedka wuxuu daba socdaa arrin lagu gorfeeyey shirkaan midkii ka horreeyey ee Xasan Shiikh iyo maamulada markaas oo miiska lasoo saaray in la hagaajiyo muddo xileedka oo ugu yaraan laga fakaro inuu dalku galo laba doorasho.

Doodaas hore ee uu daba socdo hadalka madaxweynuhu waxay sheegeysay in hal waqti laga dhigo doorashooyinka maamul goboleedyada midda federaalkana halmar si aan ummadda looga lumin waqtiga.

Inta sano oo ay kala dambeyn karaan labada doorasho ee labada heer iyo sida loo maareyn karo in dhammaan doorashooyinka maamul goboleedyada hal waqti laga dhigo weli lagama doodin, laakiin sida iska cad haddii lagu heshiiyo mideynta doorashooyinka heer maamul goboleed waxaa ka dhalanaya muddo kororsi ka badan midka hadda muuqda.