Laba WIIL oo walaalo ah oo lagu toogtay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garaneyn ayaa waxay xalay saq-dhexe magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ku toogteen labo wiil oo walaalo ahaa.

Labada wiil ayaa midkood uu geeriyooday, halka mid kale uu soo gaaray dhaawac xoogan, kadib markii xabada lagu dhuftay ay ka baxday madaxa dhiniciisa kale, sida ay sheegen ehelkooda.

Labada wiil oo lagu kala magacaabo Xamse Axmed Naasir iyo Axmed Xabiibi ayaa ahaa dhalinyaro iskood u shaqeysta oo xamaalato ah, xilliga la tooganayeyna ku sugnaa afaafka gurigooda.

“Caruur ayuu ka tagay, hooyo ayuu ka tagay, mid guriga ayuu ka imaaday guriga xaaskiisa ayuu u socday waa la dhaawacay, midka xaga lagu dilayna guriga hooyadiis u socday si xalay hooyadiis iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa ula seexdo,” ayuu yiri Ismaaciil oo ah wiil la dhashay labada walaalo oo la hadlay telefishanka Goobjoog.

Waxa uu intaas kusii daray “Dhalinta Soomaaliyeed waxay maalin kasta u dhimaneysa si micno darro ah oo bilaash ah, dowladda Soomaaliya wax jawaab ah kama bixiso.”

Dhacdadan xanuunka badan ayaa qeyb ka ah amni darada muddooyinkii dambe ka taagneyd degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, oo wajahayay dhibaatooyin iskugu jira dil iyo dhac aan loo meel dayin.

Kaaraan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay ka mid aheyd degmooyinka ugu badan ee laga soo warinayey falalka amni darada ah, waxaana ay qaylo dhaan kasoo yeereysay shacabka.

Illaa hadda majiro wax war ah kasoo baxay laamaha amaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilka xalay saq-dhexe loo geystay labada wiil ee walaalaha ahaa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii