SOMALIA COVID-19: CBB (Taageerayaasha Farmaajo) ayaa ka halis badan Corona

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa dood xoogan ka dhaliyey baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Internet-ka, kadib markii ay wasaaraddu shaacisay in dadka baraha bulshada ku taageero madaxweynihii hore ee Farmaajo ay ka khatar badan yihiin fayraska Karoona.

Qoraalkan oo la soo dhigay bogga Twitter-ka ee wasaaradda caafimaadka ayaa saacado, kadib laga saaray, ka gadaal markii ay si weyn uga fal-celiyeen dad fara badan.

“Mowjadda labaad ee #CBB waxay ka khatar badan tahay Corona. Fadlan ka fogow Twitter Space.” ayaa lagu yiri warkaas oo ku qornaa Luqadda English. CBB, waxaa loo soo gaabiyaa Cayayaanka Baraha Bulshada, waxaana loo yaqaan teegarayaasha Farmaajo.

Arrintan ayaa u muuqata mid looga falcelinayey kulan xalay ka dhacay Twitter Space oo ay ka qeyb galeen in ka badan 3000 oo ah taageerayaasha Farmaajo, isla markaana ay hadallo ka jeediyeen guddoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya Faarax Macallin, qareen Axmednaasir Cabdullaahi iyo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad.

Sidoo kale isla xalay waxaa Twitter Space ka dhacay kulan kale oo u muuqday in looga soo horjeedo Farmaajo, ayna ka hadleen dad uu ka mid yahay Matt Bryden oo ka tirsan hay’adda Sahan Research.

Bogga wasaaradda caafimaadka ee qoraalkan dooda dhaliyey lagu daabacay ayaa waxaa loogu talagalay faafinta xogta la xiriirta xanuunka Covid-19 oo weli ka jira Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kadib qoraal ay soo saartay oo ay isaga fogeysay arrintan ku tiri “Wasaaradda Caafimaaadka ee Dawlada Fedaraalka Soomaaliya waxay caddaynaysaa in qoraalka idinka muuqda sawirka hoos ku lifaaqan ee lagu daabacay bogga ciwaankiisu yahay “ Somalia COVID-19 (@SomaliaCovid19) uusan ka soo bixin Wasaaradda,  Bogguna uusan kamid ma ahayn baraha bulshada rasmiga ah ee Wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso.”

Si kastaba, Caasimada Online ayaa xaqiijin kartaa in boggan uu hoos tago Wasaaradda inkasta oo markii hore laga sameeyey xafiiska ra’iisul wasaaraha, xilligii Xasan Cali Kheyre.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii