Shirka doorashooyinka oo lasoo geba-gebeynayo iyo qodobada kasoo bixi kara  

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho maalintii lixaad ka socda shirka Golaha Wadatashiga  Qaran ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka, oo ay yeelanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Shirkan ayaa looga hadlayaa sidii xal looga gaari lahaa dhamaan tabashooyinka iyo khilaafadka ka dhashay doorashada dalka ka socota.

Madaxweynayaasha iyo xukuumadda ayaa hadda la sheegaya in inta badan ajendayaasha shirka xal ay ka gaareen, halka qaar kalena weli la isku mari la’yahay una badan tahay in halkooda looga tago.

Illa iyo hadda warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda ay si aad ah uga doodayaan sidii xal looga gaari lahaa Amniga doorashooyinka iyo ciddii lagu wareejin lahaa mas’uuliyadda amniga, ayada oo dooddii amniga dalka meel la isaga xiray.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan in ra’iisul wasaaraha dalka lagu wareejiyo amniga qaranka.Maxamed Abukar Cabdi oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu ka qeyb galayo shir lagu dhameynayo doorashada, balse uusan qeyb ka aheyn shir lagu wareejinayo amniga dalka.

Wasiirka oo ka qeyb galay barnaamij dood ah oo ay qabatay laanta Afka-Soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay kaga qeyb galeyso shir looga hadlayo kaliya doorashada balse aan amniga cid gaar ah lagu wareejineynin.

Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegaya in galabta shirka lasoo gabagabeenayo, islamarkaana laga soo saari doono war-murtiyeed.

“Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ayaa la filayaa in galabta la soo gebagebeeyo lagana soo saaro war-murtiyeed wadajir ah oo diiradda saaraya , Muddada doorashadu lagu gabagabeynayo, hufnaanta doorashada iyo amniga. Heshiiskan waxa uu horseedayaa doorasho daah-furan oo lagu kalsoonaan karo in dalka looga hirgaliyo waqti kooban oo cayiman” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Shirka ayaa waxaa laga soo saari doonaa qodob ay kamid yihiin.

1- Hehsiis ku saabsan amniga doorashada dalka.
2- Isbeddelo iyo horumarin lagu sameynayo babraacyada doorashada.
3- In hal deegaan doorasho lagu soo koobo doorashada Golaha Shacabka.
4- Jadwal doorasho oo cusub oo waqti cayiman leh.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii