“Labada gabar ayagoo soo jeeda ayaa sidan la yeelay” Hooyo Soomaali ah oo lagu maxkamadeynayo Australia

Brisbane (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed ayaa maxkamad lagu soo taagay gobolka Queensland ee dalka Australia, ayada oo loo haysto inay gudniin fircooni ah ku fulisay laba gabar oo ay dhashay.

Labada gabdhood oo kasoo jeeda gobolkaas, ayaa la sheegay in Soomaaliya loo kaxeeyey, kadibna ayaga oo ku cayaaraya dibedda guriga ayeydood la waday laguna soo fuliyey gudniinka.

Hooyada dhashay gabdhahan ayaan magaceeda la sheegi karin sababo xagga sharciga ah dartood.

Hooyada ayaa diiday inay qirato dambiga laba dacwo oo ku saabsan inay canugeeda ka wadday gobolka si loo soo gudo.

Labada gabdhood oo da’doodu kala tahay sagaal iyo 12 ayaa Soomaaliya joogay un dhowr maalmood markii gudniinka lagu sameeyey bishii April 2015, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha.

Way ogaayeen in gudniin lagu sameynayo, wayna soo jeedeen markii howlgalka uu dhacay, taasi oo xanuun darran ku keentay dhowr maalmood, maxkamadda ayaa sidaas dhageysatay.

Toddoba bilood kadib markii ay kusoo laabteen Australia, waxay booliiska u sheegeen “inay wax lagu sameeyey” ka hor inta dhaqtar uusan xaqiijin in qeybo ka mid ah xubnahooda dumar laga gooyey.

Maxkamadda ayaa weli socota.

Caasimada Online
Xafiiska Mebourne
Caasimada@live.com