SACIID DENI hal arrin ma kaga duwanaan doonaa C/Weli Gaas iyo Faroole?

Garowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa bil iyo seddex maalin kadib soo magacaabay golaha wasiirada maamulka Puntland, kuwaasi oo ay kasoo muuqdeen qaar kamid ah musharixiintii la tartantay.

Tirada Wasiirada, ku xigeenada iyo wasiiru dowlahaasha maamulka Puntland ayaa hadda ka dhigan guud ahaan inay gaarayaan 47 Wasiir, waxaana uu lamid noqday wasiiradii uu ku bilaabay madaxweyne Gaas markii xilkaasi uu qabtay sanadkii 2014.

Labadii madaxweyne ee ka horeeyay Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku bilaabay golaha wasiirada xubno aan badneyn balse markii dambe ayay labadoodaba gaarsiiyeen ku dhawaad 60 Wasiir.

Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa bilowgiisii magacaabay 38 wasiir, ku xigeen iyo wasiiru dowle balse markii xaalka ku adkaaday ayuu kordhiyay tirada wasiiradii maamulkiisa waxaana uu gaarsiiyay 54 wasiir.

Sidoo kale madaxweynihii ka horeeyay Saciid Deni, C/welli Gaas ayaa bilowgiisii magacaabay 47 wasiir, iyadoo ugu dambeyn uu gaarsiiyay 57 wasiir, waxaana la sheegayaa inay taasi culees ku noqotay dhaqaalaha Puntland.

Marka la eego dhaqaalaha loo qoondeeyo Puntland iyo kuwa ka yimaada deegaanada kala duwan ee Puntland, waxay dib ugu laaban karaan shaqaalaha maamulka iyo masuuliyiinta xilalka haya, waxaana adkaaneysa mar walbaa in dadweynaha ay helaan adeegyada ay doonayaan.

Dadka la socdo dhaqaalaha iyo siyaasada ayaa mar walbaa ku taliya inay muhiim tahay in la yareeyo wasiirada oo la xulo xubno tayo leh, iyada oo laga eegayo dhaqaalaha iyo waxqabadka.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa la isweydiinayaa miyuu ka duwanaan doonaan kordhinta golaha wasiirada labadii madaxweyne ee ka horeysay, mase wasiiradan ayuu ku adkeysan doonaan inaysan intaan laga badin.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com