Labadan midkee GOBOLKA BANAADIR u muhiimsan?!

Xukuumadda ku jirto xilli gaarsiiska, gaar ahaan wasiirkeeda waxbrashada, wuxuu shalay madax banneeyay gobolka Banaadir maamulka waxbarashada bulshadiisa.

Xafladda lagu kala wareejinayay maamulka waxbarashada gobolka Banaadir oo uu goobjoog ka ahaa ku-simaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Guuleed, ayaa loo xiray aagga hoolka ay xafladdu ka socotay, si loo xaqiijiyo ammaankeeda.

Gobolka Banaadir oo ah gobolka ugu canshuur soo saarka  badan Soomaaliya, waxey canshuurtiisa gaartaa, oo bil walba qoondadooda ka qaato dhammaan maamul goboleedyada Dalka, waana gobolka ugu amniga xun Soomaaliya.

Amni xumada gobolkan waxaa loo tiirriyaa in ay salka ku heyso in aysan jirin cid masuuliyad gaar ah iska saarto, lagulana xisaabtamo waxa ka socdo, dowladdii timaadana ay dhagaxaan iyo carro u miisto, kana fekerto kaliya sugidda amniga xeen-daabkeeda.

Sannad kasta waxaa iskuullada iyo Jaamacadaha gobolkaan ka baxo ardayda ugu badan Soomaaliya, waxey ku tagaan goobahooda waxbarasho lug, sababo la xiriirro jidadka oo looga xirto masuul baxaayo ama imaanaayo dartiis, mararka qaarna waxaa qarax ku qabsadaa waddooyinka ayagoo saarran gaadiidka dadweynaha.

Waxaa lacagta waxbarashada ka bixiyo waalidkood oo ku shaqeeyo xaalad ay adagtahay in habeenada qaar ay nabad kusoo laabtaan, wasarad kama dhiibi jirin, maamulka gobolka Banaadir oo hadda masuuliyadda la wareegayna kama dhiibi doono.

Wuxuu qarashka ugu badan uga baxaa waxbarasho iyo caafimaad, mana heystaan amni ay isku halleyn ugu shaqeeystaan xilli kasta, waxaana u dheer canshuur joogta ah.

Aragtideyda; gobolka Banaadir wuxuu u baahanyahay in la hoos keeno amnigiisa, la helo cid lagula xisaabtamo waxa ka dhacaayo, loo sameeyo ciidan u gaar ah, la siiyo mushaar joogta ah oo ku filan nolosha qoysaskooda.

Waxaan aaminsanahay in bulshada ku dhaqan gobolkaan ay ku farxi lahaayeen in ay maanta indhahooda qabtaan Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle oo Cumar Filish ku wareejinaayo amniga gobolka Banaadir, beddelka Goodax Barre.

Amnigu waa laf-dhabarta nolosha bini’aadamka, wuxuu sahlaa isu-socodka, wax soo saarka, caafimaadka, waxbarashada iyo qaarkale oo badan kuwaas oo dhammaantood udub-dhexaad u ah horumarka.

Waxaan rajeynayaa in ra’iisul wasaare Mahdi uu ka shaqeeyo inta uu joogo in wasiir isloow Ducaalle iyo wasiir Fowsiyo Abiikar ay ku daydaan wasiir Goodax Barre, si bulshada ku dhaqan gobolka  Banaadir u yeeshaan cid ay kala xisaabtamaan amnigooda iyo badqabka caafimaadkooda.

Qoraalkan waxaan ku cabbirayay kaliya aragtideyda ku aaddan midka u muhiimsan bulshada gobolka Banaadir amniga iyo waxbarashada, waana macquul in aad iga aragti duwantahay, waana kuu tixgelinayaa.

Nuune Ali Hassan –  Waxaad kala xiriiri kartaa www.facebook.com/habeysane141

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid