Wararkii ugu dambeeyey rasaas laga dhex maqlay Xabsiga Dhexe ee Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas laga dhexe maqlay xabsiga dhexe ee Xamar ee magaalada Muqdisho.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in rasaasta ay ka dhacday gudaha xabsiga, islamarkaana la toogtay qaar ka mid ah ilaalada xabsiga, ayada oo la xaqiijiyey toogashada ugu yaraan hal qof oo ka mid ah ilaalada xabsiga.

Ma cadda cidda toogashada fulisay iyo haddii maxaabiista qaar ay hub heleen oo ay weerar fuliyeen iyo in dibedda laga soo weeraray xabsiga.

Waxaa jira khasaare ka dhashay toogashada, balse tirada ayaan weli la hubin.

Wixii kusoo kordha naga filo dhowaan, Insha Allah.