Xog: Sababta rasmiga ah ee Hanad Cabdullaahi Axmed Caddow u yimid Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii tegay waxaa magaalada Muqdisho ku sugnaa Hanad Cabdullaahi Axmed Caddow oo ah aqoonyahan uu dhalay Cabdullahi Axmed Caddow, oo ah safiirkii hore ee Soomaaliya ee Mareykanka iyo musharax madaxweyne oo hore.

Imaanshaha Hanad ee Muqdisho ayaa waxaa kasoo baxayey warar badankood la xiriira in loogu yeeray in loo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Hase yeeshee xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in imaanshaha Hanad ee Muqdisho aysan la xiriirn xilka ra’iisul wasaaraha balse ay tahay in loo magacaabay safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska.

Ilo-wareedyo ku sugan Villa Somalia ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweyne Farmaajo uu Hanad xilkan u magacaabay muddo ka hor, balse laga war sugayey dowladda Faransiiska inay soo aqbasho, ka hor inta aan si rasmi ah loo shaacin magacaabista, taasi oo hadda lagu guuleystay.

Hanad ayaa la sheegay in sababta uu Muqdisho u yimid ay tahay inuu qaato baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya, lana kulmo madaxweynaha ka hor inta uusan u safrin magaalada Paris.

Hanad ayaa ah aqoonyahan muddo ku dhow 20 sano lasoo shaqeynayey QM, islamarkaana khirbad wanaagsan leh, balse ay adag tahay in xilligan loo dhiibo xilka ra’iisul wasaaraha, ayada oo sababtana lagu sheegay inuu dalka Soomaaliya ka tegay isaga oo 7 jir ah, sidaas darteedna ay ku adkaan karto inuu maareeyo marxaladdan kala guurka ah ee buuqa badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu warramay inuu ixtiraam iyo abaal weyn u hayo Cabdullaahi Axmed Caddow, oo xilligii uu Farmaajo imanayey Mareykanka kusoo dhoweeyey Washington kalan shaqeeyey safaaradda, aadna u gacan siiyey, markaasi oo Caddow uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Mareykanka