Maxaa ku qoran qodobka ay B/Caalamka ka walaacsan tahay ee looga digay Mursal?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey iyo xubnaha kale ee beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa shalay walaac xoogan ka muujiyay isku-day ay sheegeen in Mursal uu baarlamaanka Soomaaliya ku horgeynayo hindise sharciyeed “qaladaad badan leh” oo ku saabsan dambiyada galmada.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaki badan ka muujiyay sax ahaanshaha hindise sharciyeedkaas, oo baarlamanka uu shalay diiday inuu ka doodo, kaasi oo ay ku sheegen inuu ka hor imanayo heshiisyada caalamiga ah.

Caasimada Online oo heshay nuqul kamid ah Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada ee shalay oo la geeyay golaha si ay u mariyaan akhrintiisi koowaad, ayaa qodobo kamid ah looga hadlayey guurka caruurta.

Qaramada Midoobay iyo Beesha caalamka ayaa ka walaacsan meel-marinta qodobka 26-aad ee sharcigaasi oo ogolaanaya Guurka Da’yarta (Caruur), inkasta oo uu reebayo in isla markiiba lala aqal gali karo, ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, taasi oo looga feejignaanayo dhibaato caafimaad, sida lagu sheegay.

Isla qodobkaasi ayaa sidoo kale sheegaya ‘in marnaba la ogoleyn in loo galmoodo qof aan awood u laheyn, qofkii u galmoodana uu muteysan karo ciqaab ka waajibtay arrintaasi uu ku kacay’.

Qodobka ayaa u dhigan sida: Qodobka 26aad: Guurka Da’yarta (Caruur). Heshiiska guurka qofka yar shareecada Islaamka waa ku banaan tahay, laakin madhabka shaacifigu, wuxuu qabaa in wakhtiga aqal galka la sugo ilaa qofka yari ka yeelanayo awood uu uga qeyb galo galmada, iyadoo laga feejignaanayo dhibaatada caafimaad oo ku dhici karta, saa derteed lama ogola in loo galmoodo qof aan awood u lahayn galmada, qofkii u galmoodana, wuxuu muteysanayaa ciqaabta Dhaawac ama Fal xumo oo shareeco ahaan “Tacsiir iwm ah”.”

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku doodaya in hindise-sharciyeedkaasi uu ku jiro qaladaad badan oo sixid u baahan, maadama uu si toos ah u ogolaanayo qodobka 26-aad guurka caruurta oo ay sheegtay inuu ka hor imanayo heshiisyada caalamiga ah.

Walaaca Qaramada Midoobay ayaa yimid xili ay shalay diideen Xildhibaanada Golaha Shacabku ansixinta Ajendaha kulankaasi oo lagu sheegay inuu ahaa Mashruuc sharci oo ah akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira galmada.