Muqdisho (Caasimada Online) – Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa todobaadkii hore kusoo dhamaaday magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasi oo madax ka socotay dalal badan ay ka qeyb galeen.
Shirkaasi waxaa dowladda Soomaaliya ay la tagtay qodobo dhowr ah oo qaarkood aysan la dhicin madaxdii ka qeyb gashay, waxaana ay sababeen in la yareeyo dhaqaalihii loogu deeqi lahaa Soomaaliya.
Qodobka saameynta badan keenay ayaa ahaa in lacagaha loogu deeqo dowladda Soomaaliya si toos ah loogu shubo bangiga Soomaaliya, halkaasi oo dowladda Soomaaliya ay ka maamulan karto lacagaha.
Qodobkaasi oo ahaa mid ay Soomaalida ka mideysnaayeen ayaa waxaa uu sababay in madax badan oo ka qeyb galaysay Shirka London ay yareeyaan dhaqaalaha ay ugu deeqi lahaayeen Soomaaliya.
Arinta kale ee aan la fileyn oo dowladda Soomaaliya ay la tagtay shirka London ayaa ahaa inay doonayaan in cunuqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamada qalabka sida.
Dowladda Ethiopia oo kaliya ayaana ka hadashay qodobada qaar ee ku aadanaa in cunuqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, waxaana ka aamusay madaxdii kale ee ka qeyb galay shirkaasi.

