Farmaajo oo maanta fullin doono ballan qaad uu shacabka u sameeyey maalintii la doortay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay meel fagaaro ah kala hadli doono shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay.

Madaxweynaha ayaa maanta dadweynaha kula hadli doono garoonka ciyaaraha ee Banaadir Stadium ama (Koonis Stadium).

Madaxweynaha ayaa maanta ka qeyb galaya Munaasabadda 15-ka May oo ku beegan 74 guuradii ka soo wareegatay aas aaska Ururkii gobonimo doonka Soomaaliyeed ee SYL, wuxuuna   ubax dhigi doona Taalada SYL, halkaasoo ay xilligan ka socoto munaasabada lagu weyneynayo xuska maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii Ururkii  SYL ee usoo xalgan dalka iyo Umadda soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa marka uu ubax dhigo ayaa tagi doono Garoonka kubadda Cagta ee Stadium Conis, halkaasoo uu ka jeedin doono khudbad uu uga hadlayo maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed iyo aas aaskii SY, waxaana kasoo qeyb geli doono kumanaan dadweyne oo ka kala imaanayo degmooyinka Gobolka Banaadir.

Waxaa khudbada Madaxweynaha u jeedinayo shacabka ay ku soo aadeysa, xilli maalmo ay ka harsan tahay boqolka maalmood ee uu Xafiiska joogo, wuxuuna markii la doortay 08 February ballan qaaday inuu Fagaaraha kala hadli doono shacabka, balse arrintaas ma suurta gelin, waxayna shacabka ku faraxsan yihiin inuu maanta ka dhabeeyo hadalkii uu ballan qaaday markii la doortay.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa labadii maalmood ee la soo dhafaay ku guda jirtay diyaar garowga, iyadoo dib u dayactir ku sameysay taalada SYL, waxaana maanta la xiray waddooyin badan oo isku xira degmooyin kala duwan si loo adkeeyo amaanka Magaalada Muqdisho maadaama maanta dabaal dagyada ay ka socdaan meelo badan oo Muqdisho ka tirsan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET