Sawir: Amarkii Taabit ee bedelka magaca Banaadir oo si rasmi ah u hirgalay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa dhawaan wax ka badal ku sameeyey qaab qoraalka magaca Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa amray in magaca Gobolka Banaadir loo qoro (Benaadir) halkii la dhihi lahaa (Banaadir) waxyna midaas noqotay shaqadii ugu horeysay ee uu guddoomiyaha qabto.

Inkastoo guddoomiyaha uu dhawaan beeniyey waraaqdii saxiixneyd ee kasoo baxday Xafiiskiisa, haddana waxaa muuqato in si ramsi ah loo hirgeliyey amarkaas ahaa in Magaca Gobolka Banaadir loogu dhawaaqo ama loo qoro (Benaadir).

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa jidadka iyo meelaha Muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ku dhajiyey boorar ay isugu diyaarinayaan 15 May oo ah maalinta dhallinyarada oo ku beegan Maanta oo Isniin ah, waxaana la arkayey iyadoo Magaca Gobolka Banaadir loogu qoray qaabkii uu Thaabit Amray ee ahaa (Benaadir) sida kaaga muuqato sawirka hoos aad ka arki karto.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET