Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Maxamed Cumar Carte, oo ka hadlaayay dowlad wanaaga, ayaa sheegay in Somalia ay mudan tahay inay dib ula soo laabato Hanaanka Diblumaasiyadeed.
Maxamed Cumar Carte, waxa uu sheegay in shaqsi ahaan uu DF, gaar ahaan Wasaarada arrimaha dibadda ugu yeeri lahaa inay ka fiirsato go’aanka ay albaabada isugu laabtay Safaaradaha ay ku leedahay Caalamka intiisa kale.
“Inkastoo aan jecleen inaan ka hor imaado Siyaasada, waxa ay Somalia soomaali ku noqotay waa inay safaarado ku leedahay Caalamka intiisa kale, kuma saleynkarna in lacag la waayay, lacag haddii la waayo wey imaadaa”.
Waxa uu Maxamed Cumar Carte Wasiirka cusub ee Arrimaha dibadda Somalia ugu baaqay inuu xooga saaro sidii dib loogu furi lahaa dhamaan Safaaradaha DF Somalia ay ku leedahay dalka dibadiisa.
Wuxuu carabka ku dhuftay in jiritaanka dowlad lagu aqoonsado inay Xarumo ama safaarado wakiil u ah ay ku leedahay wadamada ay saaxiibadu la tahay, taasina ay ka turjumeyso Hanaanka Dowladnimo.
Dhanka kale, waxa uu ku taliyay in laga faa’iideysto dabacsanida ay Beesha caalamka u muujineyso Somalia, sidoo kalane la adkeeyo xiriirada Wasaaradaha DF iyo wasaaradaha dowladaha caalamka intooda kale.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]