Lacagta Shilin Somaliga oo ka yaabisey dhaqaalyahannada adduunka, Sabab?

Muddo hadda laga joogo 23 sano ayaa dawladdii dhexe ee Soomaaliya dhacday, hay’adihii dhaqaalaha iyo maaliyaddu burbureen, sharcigii iyo kala dambeeyntiina suuleen. Haddana lacagta shilin Soomaaligu weli way shaqaysaa, waana firfircoon tahay . Waa arrinta ka yaabisey aqooynyahannada dhaqaalaha adduunka oo soo jiidatay dareenkooda. Daraasado, qoraallo iyo dood-cilmiyeed xiiso badan ayaa ka socda jaamacadaha iyo bogagga internetka adduunka qaarkood. Waxaa la isweeydiinaya maxay tahay sababta suurtogelisey in lacag dawladdeedii dhacday 23 sano ka hor oo weliba la been-abuuray ay weli wareegto oy wax goyso? Maxaase darsi ah oo laga baran karaa? Mise loo heli karaa qiil ku salaysan culuunta dhaqaalaha?

Waxaan qoraalkan uga golleeyahay in aan ardayda jaamacadaha Soomaaliya, siiba qaybaha dhaqaalaha, ku dhiirri geliyo in ay ka qaybqaataan dood-cilmiyeeddan. Waa mawduuc ku habboon in laga diyaariyo daraasadda ama buugga qalin jebinta (thesis).

Dib u milicsi kooban ee taariikhda lacagta

Taariikhda lacagtu waa ka qotodheer tahay mid halkan lagu soo koobi karo. Waxay soo martay waayo, heerar iyo habab kala duwan illaa la soo gaaray sannadkii 1880 . Waa xilligii adduunkoo idil uu ka hirgalay habka dahabka ku saleeysan (Gold Standard) oo xeerinayey in dawlad kasta oo habkaas qaadatay ay qiimaha lacagteeda ku salayso tiro go’an oo dahab ah, isla markaasna ballanqaaddo in ay lacagteeda xaashida ah u beddeleyso dahab (lacag adag) mar allaale iyo markii laga codsado. Tusaale ahaan, geniga Ingiriisku wuxuu waagaas u dhigmay 113 grain oo dahab ah. Taas oo micnaheedu yahay in qofkii haysta hal geni oo xaashi ah loogu beddeleyo dahab dhan 113 grain markuu codsado.

Habkii Dahabku wuxuu burburay dagaalkii koowaad dhexdiisii markay dawladihii dagaalamayey kharash badan u baahdeen, dabadeedna suuqa soo galiyeen lacag farabadan oo aan loo hayn dahab daboola. Dagaalkii ka dib, in badan ayaa la isku dayey in la soo celiyo habkaas, waase lagu guuldarreystay. Gebi ahaan, wuxuu habkaasi hannaanka lacagaha adduunka ka baxay bishii Agoosto 1971 markii Madaxweeyne Nixon uu doollarka Maraykanka ka xarig-furay dahabka dhibaatadii dhaqaale ee dagaalkii
Fiyetnaam (Vietnam) ka soo gaartay awgeed. Lacag iyo dagaal isu daranaa. Innagaba shilinkeenna loogama horrayn dagaalkii Itoobiya.

Habkii Dahabka raadkiisii weli wuxuu ka muuqdaa geniga Ingiriiska. Bal u fiirso, geniga ama lacagta Ingiriiska o idil waxaa ku dul qoran oraahdaan: “I promise to pay the bearer on demand the sum of” oo ah: “Waxaan ballanqaadayaa inaan siiyo markuu codsado qofka sita xaashidan tiro dhan” oo waagii hore ahayd tiro dahab ah; haddase waa wixii xaashidu kuu goyso (fadlan fiiri sawirka kore).

Habkii Dahabka hadalhayntiisii weli ma dhammaan. Sida la xusuusto, murashixii Xisbiga Jamhuuriga ee madaxweeynenimada Maraykanka Ron Paul wuxuu u oloneeynayey in dib loo soo celiyo Habkii Dahabka.

Lacagta ma dawlad baa socodsiisa?

Ka dib markii Habkii Dahabku burburay, lacagtii waxay ku soo hartay xaashi (paper money) aan waxba ku tiirsaneyn sida dahab ama shay kale oo qiimo leh oo saldhig u noqda. Haddaba su’aal da’ weyn oo la isweydiiyey ayaa waxay ahayd, maxaa dadka ku khasbay in ay hantidooda, maalkooda iyo muruqooda dhaafsadaan xaashi la xardhay oo iyadu naf ahaanteeda (xaashiyahan) aan lahayn qiime ama nafac u gaar ah (intrinsic value); Su’aashas si looga jawaabo, waxay aqoonyahannadii dhaqaalaha ee hore soo bandhigeen aragti la yiraahdo “Chartal Theory of Money” ama aragtida lacagta ee xaashida ku dhisan”. “Chart” waa xaashi afka Laatinka. Aragtidaasi waxay qabtaa in waxa lacagta xaashida ah socodsiinaya ayan ahayn dahab iyo qalin ay ku xiran tahay, balse ay tahay dawladda oo amartay in lacagtaas lagu bixiyo canshuuraha. Maadaama bixinta canshuurtu tahay khasab, waxaa iyana khasab noqoneysa in lacagtaas xaashida ah la isticmaalo oo ay dhaqan gasho. Teeda kale, lacagtu waxay qiime ku sii yeelanaysaa dawladda oo sharciyeysay in wixii deyn ah oo la isku leeyahay in lagu bixiyo lacagtaas (legal tender). Waxa kale oo weheliya, dawladda oo lacagtaas ku bixineysa kharashkeeda oo sidaas suuqa ku soo gelineysa. Aragtidaas waxaa amminsanaa aqoonyahanno waaweyn oo uu ka mid ahaa aabbihii culuunta dhaqaalaha Adam Smith.

Aragtidaas kore waxaa buriyey oo bar-kuma-taal ka dhigay shilin Soomaaliga oo 23 sano soconayey iyadoo ayan jirin dawlad awood leh oo lacagta soo saariddeeda iyo maamulkeeda xukunta. Oo waa yaabe, haddayan dawladi jirin maxaa shilinka wada? Muxuu ula dhici waayey dawladdiisii? Muxuu suuqa uga bixi waayey? Waa tan arrinta xiisaha badan dhalisey. Waxaa la isweydiiyey oo hadday dawladda Maraykanku dhacdo, doollarku ma socon doonaa?

Waxaan halkan hoose ku so qaadayaa sababihii loo arkay in ay socodsiinayaan shilinkaSoomaaliga.

Shilinku ma isagaa iskiisa isaga socda?

Aqoonyahannada qaarkood oo shilinka-Soomaaliga ka faallooday waxay cuskadeen aragti loogu yeeray “ Inertia of Historical Acceptance” oo qabta in oggolaanshaha lacagta xaashida ahi ay iskeeda isaga socoto oo ay salka ku hayso taariikhda. Haddii si kale loo dhigo, lacagtu waa wax dadku ku soo dhaqmeen, u barteen, qaayibeen; sidaas ayeyna ku soconeysa, waxna iska beddeli mayaan haddii aan la helin xoog ka horyimaadda oo dooriya. Tusaale ahaan: maalintii dawladdii Soomaaliyeed dhacday lacagtii xaashida ahayd ee maalintaas socotey ayaa dabcan la isticmaalayey. Sababtoo ah maalintaas, maalintii ka horraysey ayaa lagu dhaqmayey, sannadkii ka sii horraysay ayaa sidoo kale la isticmaalayey, dawladdii hore ayaa laga dhaxlay, tii ka sii horraysay ayaa laga soo gaaray, sidaas ayeyna ku soconaysaa illaa inta laga la helayo xoog ka horyimaadda oo joojiya. Taasina weli ma dhicin.

Aragtidan, waxaa la dhihi karaa waxbaa ka jira. Waxaa daliil loo soo qaadan karaa lacagtii “N”da ee Cali Mahdi soo saaray ee hirgeli waydey. Waxa arrintaas sabab u ahayd, malahayga lacagtaas oo naqshad ahaan ahayd mid ku cusub suuqa oo aan horey loogu baran.

Shilinku ma dawlad sugaa?

Su’aal kale ayaa la isweydiiyey? La garay lacagtii dawladdii hore ka tagtay, maxaase loo aqbalay tii la been abuuray ee ka dambeysey?

Aqoonyahannada arrintan wax ka qoray waxay ku micneeyeen sababta lacagtii hore iyo tan been-abuurka ahba loo aqbalay in ay tahay bulshada Soomaaliyeed oo mar kasta ka rajo qabtay in dawlad la dhiso, dawladdaasina dib-u-habayn ku samayso habka lacagta, islamarkaasna la wareegto lacagta suuqa ku jirta nooc kasta ha ahaatee.

Ra’yigan naftiisu waa mid meesha ku jira. Waayo tan iyo 1991kii, waxa jirey dadaalo iyo shirar isdaba jog ah oo dawlad lagu yagleelayey ama lagu ridayey. Waxaa kalo aragtidaas xoojinaya qorshe ay dawladdii Shiikh Shariif ka tagtay oo ku saabsan lacag xaashi ah oo lagu daabacay dalka Suudaan, looguna talagalay in lagu beddelo lacagta kunka shilin ee hadda socota, haseyeeshee loo waayey awood dawladeed oo lagu fuliyo.

Armaa loo baahnaa in Shilinka la been abuuro?

Fikradahaas aqoonyahannadu soo jeediyeen waxaan ku dari lahaa laba arrimood oo suurtageliyey in lacagta xaashida ah ee 1000ka shilin ay suuli weydo: waxaa jirtay baahi dadku u qabeen lacag sarrif ah oo loo adeegsado ganacsiga iyo kharashyada yaryar. Sida la og yahay, ganacsiga iyo hawlaha waawayni waxay ku socdaan doolarka Maraykanka. Haseyeeshee, lama heli karo doolar sarrif ah sida 1; 5; 10; 25 senti iwm. Haddaan sarrif la heli Karinna waxaa xayirmaya dhaqdhaqaaqa ganacsiga yaryar oo ay ku tiirsan yihiin bulshada inteeda badan ee danyarta ahi. Dhankaas haddii laga eego 1. waxaa la oran karaa lacagta been-abuurka ahi waxay dabooshay adeeg muhiim ah oo loo baahnaa, sharciyaddeedu si kastaba ha ahaatee. Xagga sarrifka, waxaa hadda qayb weyn ka qaatay teleefoonka lacagta lagu shubo oo fududaysey ganacsiga yaryar oo aad moodid inuu shilinka suuqa ka saari doono

Taariikh hore intaan gumeystaha Talyaanigu la wareegin xeebta Banaadir, waxaa aaggaas ka socon jirey lacagtii loo yiqiin Maria Theresa oo qalin (silver) ahayd oo joogtay halka doolarku maanta joogo. Waxay ahayd lacag qiime leh oo loo isticmaali jirey hawlaha waaweyn. Xitaa diyada ayadaa lagu bixin jirey markaan geel la kala qaadaneyn. Waxaa kaloo suuqa wareegi jirey lacag ka samaysan macdan raqiis ah oo Cumaan iyo Sansibaar laga keenay oo la oran jirey Beeso oo sarrif ahaan loo isticmaali jirey sida shilinSoomaaliga (halkii Maria Theresa = 150 beeso). Sida hadda shilinku uga yaabiyey aqoonyahannada adduunka ayaa arrintaasina uga yaabisey saraakiishii Talyaaniga ee talada Xamar la wareegay sannadkii 1905.

2. Waxaa jira xad aanay dhaafi karin kuwa lacagta daabaca oo xakameeynaya hawlgalkooda. Xadkaasi waa kharashka daabacaadda xaashida 1000 shilin. Markii lacag badan oo been abuur ah suuqa la soo geliyo waxaa aad hoos ugu dhacaya heerka sarrifka shilinka illaa uu gaaro heer qiimaha xaashi-lacageedda ee kunka shilin (face value) uusan dabooli karin kharashka daabacaaddeeda. Waxaa markaas istaagaya daabacaadda lacagta. Ka dib markii muddo la joogo waxaa xogeysanaya heerka sarrifka shilinka. Sarrifku, sida la ogsoon yahay, wuxuu ku xiran yahay dalabka (demand) iyo bandhigga (supply) lacagaha. Waxaa jirta in doolar badani dalka ka soo galo jaaliyadaha dibedda, dhoofinta, deeqda shisheeye, burcad-badeedda iwm. Haddii aan markaas shilin cusub la soo gelin suuqa, kii horena duugoobo oo googo’o, waxaa xoogeysanaya sarrifka shilinka. Markii taasi dhacdo, waxaa soo noqoneysa faa’iidadii laga helayey lacagta been abuurka ah, oo dhiirigelinaya in lacag cusub la daabaco illaa uu sarrifku mar kale aad hoos ugu dhaco. Haddaan tusaale u soo qaato, markii heerka sarrifka doolarku gaaro 1USD = 30,000 ShSo. waxaa istaagaya dabacaaddii lacagta sababtoo ah Kun shilin waxay u dhigantaa 3 senti oo lacagta doolarka ah. Saddex sentina waa kharashka ku baxaya xaashida uu ka samaysan yahay kunka shilin oo weliba aan lagu darin kharashka rarka, dejinta iyo ammaanka lacagta.

Waa xeer xukuma lacagta. Haddii sheyga lacag ahaan loo isticmaalayo aan si xad dhaaf ah loo soo saari Karin oo uu jiro wax xayiraya ama tashiilaya soo saariddiisa, sheyegaasi wuxuu yeelanayaa qiime, wuxuuna helayaa kalsooni. Xayiraaddu waxay ku imaan kartaa kharashka daabacaadda oo aan isbixinayn sida shilinka ku dhacday, ama xilkasnimada dadka maamula lacagta, ama shayga lacagtu ka samaysan tahay oo macduun ah sida dahabka. Si kastaba ha ahaatee, mar haddii uu jiro xayndaab ilaalinaya soo saaridda lacagta, waxa hubaal ah in lacagtaasi yeelaneyso qiime. Waa taas sababta ugu weyn ee shilinku uu u dhiman waayey. Si xayndaabkaas looga gudbo, dawladaha aan xakameeyn Karin sicirbararku waxay alaaba kordhiyaan “Zero”yinka lacagta. Bil matal, Zimbabwe waxay mar soo saartay xaashi boqol tirilyan oo Zimbabwe doolar ah (100,000,000,000, 000). Waxaa xusuus mudan in doolarkii Zimbabwe qarxay. Hadda waxaa dalkaas laga isticmaala lacago qalaad sida US dollar, Euro, Yuan iwm. Iiraan oo iyana cunqabateyntu curyaamisey waxay qorsheyneysa in ay daabacdo xaashi 200,000 oo Riyaalka dalkaas ah. Dawladda Soomaaliya waxa Iyana la sheegay in ay soo waddo xaashi-lacageed 50,000 shilin ah.

Gabagabo

Arrimaha Soomaaliyeed oo idil ayaa ka yaabiyey adduunweynaha. Waxa weliba ka sii yaabiyey lacagta shilin-Soomaaliga oo burisey qaaciidooyin dhaqaale oo soo jireen ahaa. Uma maleyn kartid xiisaha arrintaasi abuuurtay iyo doodadah ay ka dhex aloostay aqoonyahannada dhaqaalaha qaarkood. Waxaan rajeynayaa in qoraalkani ku dhiirri geliyo jaamacadaha tirada badan ee Sooomaaliya ka jiraa in ay iyaguna ka qaybqataan dood-cilmiyeeddaan.

W/Q Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana barre ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Soomaaliyeed. Dalmar waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews.