Lafta gareen oo amar yaab leh kusoo rogay wasiirada iyo xildhibaanada maamulka

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, uu xubnaha Golaha wasiirada, saraakiisha amaanka iyo maamulada degmooyinka iyo gobalada ku amray in aysan bixin karin warbixin aysan ka war qabin Madaxtooyafa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa sheegeysa in xubnaha baarlamaanka la siiyay amarkaana iyadoo loo marsiiyay xubno ka tirsan guddoonka baarlamaanka.

Saddex qof oo kaliya ayaa la sheegay in amarkaan uusan saameyn doonin kuwaas oo kala ah guddoonka baarlamaanka waxaana sababta lagu sheegay in la ilaalo kala hadalka mas’uuliyiinta maadaama lagu jiro xaalad adag.

Wasiirada Koonfur Galbeed kuma dhacaan in ay wareysi bixiyaan, waxaana la sheegay in loogu hanjabay in xilka laga qaadi doono qofkii hadla.

Amarkaan ayaa soo baxay bilo ka hor markii xilka laga qaaday wasiirkii warfaafinta ee maamulkaas, kaas oo laga duubay cod sir ah kadibna lagu baahiyay baraha bulshada ee Internet-ka.

Koonfur Galbeed ayaa wajaheysa xaalad amni darro oo weyn iyo dhibaatooyin bini’aadinimo oo degaanka saameen weyn ku yeeshay. Sidoo kale maamulkaan ayaa la sheegaa in uusan sameynin wax hormar ah tan iyo markii la aas aasay.

Dadka Koonfur Galbeed qaar ayaa rumeysan inuu yahay madaxweynaha maamulka uu yahay magac u yaal ah oo kaliya, oo sababta uu u jiro ay tahay fulinta danaha madaxtooyada Soomaaliya.