Taiwan oo qaaday tallaabo kale oo ka carreysiin karta DF

Hargeysa (Caasimada Online) – Xafiiska Taiwan ay dhawaan ka furatay caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisada ka dhalatay xiriirkaasi cusub ee ay la sameysatay Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Caasimada Online ayaa ka war heshay in xafiiska Taiwan ee Hargeysa uu durbaba bilaabay ‘inuu bulshada reer Somaliland ee u safreysa Taiwan u fiiseeyo Baasaboorka Somaliland’, oo aan weli helin aqoonsi caalami ah.

Taiwan ayaa tiro dad ah oo u badan ganacsato u fiiseysay baasaboorka Somaliland, halka markii hore ay ugu safri jireen baasaboorka Soomaaliya oo ah midka keliya ee sida rasmiga ah loogu aqoonsan yahay jamhuuriyada, sida xogta ku helayso Caasimada Online.

Tallaabadan uu qaaday xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa waxay noqoneysa xad-gudub kale oo ka dhan ah qaranimada jamhuuriyada, maadama ay sida dal madax-banaan ula dhaqmeyso Somaliland, oo uu caalamku aaminsan yahay inay tahay maamul ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mana cada tallaabada ay dowladda federaalku kaga fal-celin doonto arrintan, maadama ay hore ugu hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah cid kasta oo wiiqeysa jiritaanka midnimada Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa hore uga biyo diiday xiriirka iskaashi ee Somaliland iyo Taiwan, kaasi oo horseeday in labada dhinac ay is weydaarsadaan wakiilo, iyagoo xafiisyo diblumaasiyeed ka kala furtay Hargeysa iyo Taipei.