Muslimiin ku sugan dalka Mareykanka oo si qasab ah loo siiyey hilib doofaar

Miami (Caasimada Online) – Muslimiinta ay gacanta ku hayaan waaxda socdaalka iyo kastamyadda ee dalka Maraykanka, gaar ahaan gobolka Miami ayaa si joogto ah waxaa loo siiyaa hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo dhacay, sida ay sheegeen ururada u dooda xuquuda aadanaha, kuwaas oo gudbiyay warqad cabasho ah.

Ururka u dooda xuquuqda Muslimiinta iyo urur kale oo u dooda cadaaladda socdaalka oo lagu magcaabo LLP ayaa sheegay in tan iyo markii uu billowday Coronavirus xarun ay maamushu waaxda socdaalka iyo kastamyadda oo ku taalla Miami dad muslimiin ah lagu siiyay hilib horay loo sii diyaariyay oo ka koobaan hilibka-doofaarka oo noocyo kala duwan ah.

“Sababtoo ah cunada xalaasha ah ee xarunta waa mid dhacday ama halowday, sidaas darteed muslimiinta ku xiran xarunta Krome waa in ay kala doortaan hilib doofaar iyo raashin hallaabay,” ayaa lagu yiri warka ay soo saareen ururadda muslimiinta u dooda.

“Ugu yaraan 2-3 jeer ayaa todobaadkii la siiyaa cunno horay loo sii diyaariyay oo uu jiro hilib-doofaar. 2-3 jeer todobaadkii ayaa muslimiinta xiran lagu qasbaa in ay kala doortaan Iimaankooda iyo raashinka,” ayaa warqadda lagu sheegay. “Majirto sabab aysan dadka muslimiinta ah xitaa marka uu safmareenku jiro u heli karin raashin aan dhicin iyo hilib xalaal ah oo aan halaabin.”

Sida ay ururadu sheegeen, dadka xiran waa ay ku xanuunsadeen raashinka dhacay, waxayna sheegeen calool-xanuun, matag iyo shuban.

Ururradu waxay dalbadeen in waaxda socdaalka iyo kastamyadda iyo wasaaradda amniga gudaha “si deg-deg ah u joojiyaan muslimiinta lagu qasbayo in ay kala doortaan hilib-doofaar iyo hilib xalaal ah oo qurmay.”

Dadka xiran ayaa masuulka xabsiga weydiistay in arrinta heysata laga caawiyo, laakiin waxaa uu ugu jawaabay in wax walba ay sidooda ahaanayaan.

Waaxda socdaalka iyo kastamyadda Maraykanka kama aysan jawaabin codsi Middle East Eye uu u gudbiyay markii uu maqaalkaan daabacaayay.

Dhacdadaan waxay qayb ka tahay eedo nuuceeda ah oo loo jeediyay xabsiyo gobol iyo kuwo ay leedahay Dowladda federalka Maraykanka, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay muslimiin ku quudiyeen hilib-doofaar.

Maxkamado federaal ah ayaa ogaaday in maxaabiis la siiyay cunno dhacday, si la mid ah kuwa ku jira qaybta muslimiinta lagu xiro ee xabsiga Krome.

Sida ay horay maxkamaduhu u sheegeen, in maxaabiista lasiiyo raashin dhacay waxay xad gudub ku tahay sixitaanka sideedaad ee dastuurka Maraykanka, kaasi oo sheegaya in saraakiisha xabsigu ay maxaabiista siiyaan adeegyadda aasaasiga ah oo uu ka mid tahay raashin la cuni karo.

Kiisas ku saabsan xoriyadda diimaha oo tiradoodu gaareeyso 163 ayaa laga diiwaan geliyay Maxkamad Faderal ah intii u dhexeeysay October 2017-kii iyo January 2019-kii, 64-kiis oo ka mid ahna waxay Muslimiintu uga cabanayeen cunooyinka aan diintooda ku habooneyn.

Ma cadda tirada muslimiinta ay hadda gacanta ku heysa waaxda socdaalka iyo customyadda, laakiin hadda in ka badan 80,000 oo muslimiin ah ayaa ku xiran xabsiyadda Maraykanka.