28.1 C
Mogadishu
Friday, April 10, 2026

Lafta-gareen oo kulan deg-deg ah la yeeshay odayaasha xilli ay kasii dareyso xiisadda

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa kulan degdeg ah la qaatay odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed.

Kulankan ayaa yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan deegaanada maamulka, kuwaas oo salka ku haya khilaafka u dhexeeya Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira fara-gelinta uu maamulka Koonfur Galbeed ku eedeeyay Dowladda Federaalka, taas oo la sheegay inay saameyn ku yeelatay howlaha maamulka.

Lafta-gareen ayaa odayaasha dhaqanka la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, madax-bannaanida dowlada, iyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda deegaanada Koonfur Galbeed.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Koonfur Galbeed ayaa xiriirka u jartay Dowladda Federaalka, iyadoo Madaxweyne Lafta-gareen uu si adag uga horyimid dastuurka cusub ee uu meel-mariyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa si cad u sheegay in ay u kala dhamaatay isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh, isla markaana Dowladda Federaalka aysan tegi karin deegaannada maamulka Koonfur Galbeed.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan yahay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka heer federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka.

- Advertisement -

Read more

Local News