29.5 C
Mogadishu
Wednesday, April 22, 2026

Lafta-gareen oo tiray qoraalkii is-casilaadda iyo Golaha Mustaqbalka oo ka hadlay dagaalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen oo saacado ka hor shaaciyay inuu is-casilay ayaa hadda boggiisa Facebook ka tiray qoraalkii is-casilaadda, xilli uu haatan ku sugan yahay dalka Kenya, kadib markii uu galabta diyaarad ka raacay magaalada Baydhabo.

Tallaabadan ayaa durba waxaa ka dhashay hadal-hayn iyo su’aallo la xiriira go’aanka cusub ee Lafta-gareen, xilli uu maanta intii uusan u bixin magaalada Nairobi u magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen inuu noqdo ku-simaha Madaxweynaha.

Lafta-gareen oo markii hore isku haleynayay kooxaha mucaaradka Dowladda Federaalka oo u muujiyay garab istaag, ayaa maanta ka badin waayay cambaareyn markii uu dhacay dagaalka Baydhabo.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay dagaalka Dowladda Federaalka ku qaaday magaalada Baydhabo.

Golaha ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu si deg-deg ah u joojiyo xiisadda dagaal, uuna dib ugu soo laabto wada-hadal siyaasadeed oo ku saleysan dastuurka ku-meelgaarka ah.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyo dagaalka uu ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yirii war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.

Sidoo kale, golaha wuxuu si cad u muujiyay in mas’uuliyadda wixii ka dhasha dagaalka ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha iyo cid kasta oo ka qayb qaadata fulinta ama taageeridda tallaabooyinka sharci darrada ah, sida lagu sheegay qoraalka Golaha Mustaqbalka.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa dagaalka uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Goluhu wuxuu si cad u muujinayaa in masuuliyadda wixii ka dhasha dagaalkan, oo ay ku jiraan dhiig-daadasho, burbur hantiyeed, iyo xadgudubyo bani’aadantinimo oo sii xumaada in ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha iyo cid kasta oo ka qaybqaadata fulinta ama taageeridda tallaabooyinka sharci darrada ah.

Sida oo kale, Golaha wuxuu hoosta ka xarriiqayaa in xadgudubyada ka dhasha dagaalkan ay sababi karaan falal ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda bini’aadanka, kuwaas oo gaari kara heer dambiyo dagaal, isla markaana leh masuuliyad shaqsiyeed oo laga qaadi karo heer qaran iyo mid caalami ah.

Haddaba, iyadoo la tixgelinayo xaaladdan adag ee dalku marayo, sida abaaraha, dhaqaale xumada, iyo halisaha amni ee ka imanaya kooxaha argagixisada, waxa uu Goluhu ku baaqayaa:

1. In Madaxweyne Xasan Sheekh, si degdeg ah oo aan shuruud lahayn u joojiyo dagaalka uu ku qaaday dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed

2. In si buuxda loo ilaaliyo sharcabka rayidka ah, hantidooda iyo hay’adaha dawliga ah

3. In dib loogu laabto wadahadal siyaasadeed oo ku salaysan Dastuurka Kumeelgaarka ah iyo dastuurka dawlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambayntii, Golaha wuxuu ku adkaynayaa Madaxweynaha in uu ka waantoobo tallaabo kasta oo hurin karta colaado sokeeye, isla markaana dib u dhiga geeddi-socodka dawlad-dhiska, midnimada qaranka, iyo xasiloonida dalka.

—Dhamaad—

- Advertisement -

Read more

Local News