Lama filaanka ka dhici kara doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo ay dhowdahay doorashada madaxweynaha oo loo madlan yahay maalinta Axadda ah ee 15-ka bisha May, ayaa waxaa laga dhex dareemayaa guux aad u xoogan xildhibaanada labada gole ee baarlamanka Federaalka Soomaaliya. 

Doorashada ayaa waxaa isu-diiwaangeliyey 39 musharax balse way adag tahay in saadaal laga bixiyo kan kasoo dhexbixi doono, oo kursiga calfan doona. 

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegaya in doorashada ay tahay mid ka duwan doorashooyinkii hore iyadoo ay suurta-gal inay hoolka ka dhacdo natiijo lama filaan ku noqon doonta murashaxiin badan oo isku arka inay yihiin kuwa ugu xooga badan horeyna dalka uga soo qabtay xilalka madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, xukuumadda iyo dowlad goboleedyada. 

Xildhibaanada qaar ayaa laga soo xigtey inay macquul tahay in doorashadan ay aadi doono shaqsi cusub oo aan wax xil ah horey uga soo qaban dalka islamarkaana aan koox gaar ah oo siyaasadeed u afduubneyn, isku hayn kara siyaasiyiinta is diidan ee dalka.

Wax cusub maaha in mar kasta la doorbido siyaasiyiinta ama dadka aan horey dalka wax uga soo noqon, sida dhacday doorashadii Xasan Sheekh uu kusoo baxay, waana suurta-gal in taas mar kale ay dhacdo, ayey leeyihiin xildhibaanada 

“Suuragal nooma ahan inaan kala xulanno madaxweynayaashii hore, ra’iisul wasaareyaal ama wasiiradoodii sidoo kale madax dowlad goboleedyo aan naqaano,” ayaa laga soo xigtay ilaa afar kutlad oo ka tirsan labada gole taasoo ka dhigan in goluhu uu ka dhabeyn doono isbedel dhab ah . 

Xuuraan Siyaasadeed oo aan sameyney ayaa 8-da murashax ee safka ugu horeeya kaga jira doorashada waxay kala yihiin; Maxamed Farmaajo oo kursiga ku fadhiya, Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif, Xasan Khayre, Siciid Deni, Cabdikariin Guuleed, Daahir Maxamuud Geelle iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle. 

Haddii sida ay xildhibaanada wax u sheegayaan ay u dhacaan, waxa tani fursad siin kartaa Jabriil Ibraahim Cabdulle, oo ah kan kaliya ee aan xil kasoo qaban Soomaaliya, haddiiba la go’aansado in weji cusub la aado.

Rajada Jabriil ayaa aad sare ugu kici doonto, haddii uu kasoo gudbo wareegga koowaad, maadaama inta badan xildhibaanada ay wareegaas kadib doorbidaan qofka cusub ee aan dhinacna raacsaneyn.