Xog: Liiska shaqsiyaad uu Farmaajo dhawaan u magacaabi doono safiiro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa heshay xog cusub oo ku saabsan shaqsiyaad uu dhawaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabi doono safiiro.

Siyaasiyiinta uu Farmaajo safiirada ka dhigi doono ayaa waxay isugu jiraan shaqsiyaad lasoo shaqeeyey dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud iyo kuwa ay hadda dabada ka riixayaan Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Waxaa banaan dhawr safiir oo dalal muhiim ah kuwaas oo xilal ka helay dowladda cusub ee Farmaajo, waxaana dhawaan la filayaa in la magacaabo badalkooda, waxaana kasoo muuqan doono liiskaa siyaasiyiin aan laga fileyn.

Wadamada safiiradooda shaqada ka helay dowladda Farmaajo waxaa ka mid ah Safiirka UN-ka, Safiirka Kenya, Safiirka Turkiga iyo safiiro kale, waxaana jiro loolan adag oo loogu jiro xilalkaas.

Haddaba halkaan hoose ka aqriso liiska Magacyada la filayo in loo magacaabo safiiro\

C/kariin Xuseen Guuleed

C/casiis Sheekh Yuusuf

Cabdiraxman Yuusuf Ceynte

Maxamed Xaaji Madeer

Xuseen Maxamuud Sheekh Xusen

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com