LIVE: Ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ee HirShabelle iyo Galmudug (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) — Waxaa goordhoweyd bilaabatay ciyaarta xiisaha leh ee Final-ka ciyaaraha maamul goboleedyada dalka, oo ay wada dheelayaan HirShabeelle iyo Galmudug.

Kulanka galabta oo ah mid xamaasad badan, ayaa waxaa garoonka Stadium Muqdisho soo buux dhaafiyay taageerayaal badan oo la kala safan labada kooxood.

Ammaanka Garoonka iyo guud ahaan hareerihiisa ayaa si weyn loo adkeeyay, ayada oo Booliskii ugu badnaa maanta la geeyay Stadium Muqdisho.

Kulanka kama dambeysta ah ee ciyaaraha maamul goboleedyada ayaa sidoo kale sawaxankiisu si weyn u qabsaday baraha bulshada, ayada oo taageerayaasha labada dhinac ay si weyn isugu hardinayaan ciyaartan. Halkan hoose toos uga daawo ciyaarta