Lix ruux oo ku geeriyootay dab ka kacay guri ku yaalla Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) — Dab sababay dhimashada lix ruux oo hal qoys ah ayaa ka kacay guri ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Hooyo Soomaaliyeed iyo lix caruur ah oo ay dhashay ayaa dabkaan ku dhintay.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada maamulka gobollka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax ayaa warbaahinta u sheegay inay u gurmadeen guriga uu dabku ka kacay. Hase yeeshee, nasiib darro ay badbaadin waayeen nolosha qoyskii gurigaan deganaa.

Aabaha dhalay caruurta ku geeriyootay guriga uu dabku ka kacay ayaa warbaahinta u sheegay inuu xilli dambe kusoo baraarugay dabkaan guriga qabsaday, markii uu isku deyey inuu guriga qoyska ka saarana isku daygiisii wuu ku guuldarreystay.

Hooyada dhashay caruurta ayaa lagu soo waramayaa inay diiday inay kaligeed dabka ka baxsato iyadoo dooneysay inay caruurteeda badbaadsato, balse nasiib xumo iyada iyo shanteedii caruurta ahaa ayaa ku geeriyooday dabkaan oo wixii intaas ka dambeeyey sii xoogeystay.

Lama oga sababtii ka dambeysay inuu dabkku ka kaco gurigaan, iyadoo deriskii u gurmaday iyo gaadiidka dab-demiska ah ee maamulka gobolka Banaadir ay badbaadin waayeen qoyskaan.

Caasimada Online

Xafiiska Mogadishu

Caasimada@live.com