Dagaalka mudada dhowrka bilood ka aloosan dalka Ukraine ayaa sababay qasaare nafeed, mid hantiyeed, cunto yari iyo sare u kac dhanka tamarta ah, kaasoo sigaar ah u saameeyey dhinacyada dagaalamaya guud ahaana aduunka intiisa kale. Dagaalkan oo ay si dadban iyo si toos ahba ay ugu lug-leeyihiin dhinacyo farabadan ayaa sida muuqata ka daba-dheeraaday waqtigii uu Ruushku u saadalinaayey inuu kusoo idlaado, asagoo iska caabin wali kala kulmaya dagaalyahanada u dhashay Ukraine iyo dagaalyahano ajaanib ah oo ka garab dagaalamaya. Culeyska ugu baaxada weyn waxuu ku dhacayaa dowlada iyo shacabka Ukraine oo sida la dheehan karo dhexda u galay mowjado colaadeed oo aysan talo mugweyn kulaheyn qaabkii ay uga samata bixi lahaayeen iyo qaabkii ay usoo celin lahaayeen Ukraine madax-banaan oo nabdoon taasoo sida hada loojeedo gacanta ugu jirto ciyaaryahano shisheeya ah oo markahore danahooda ka fushanaya dalka iyo dadka Ukraine.
Muhiimada qormadu maahan inaan kala xukmino yaa kusaxan ama kuqaldan dagaalka Ukraine oo jawaab ahaan ku xiran hadba meesha uu qofka ka jawaabaya aragti ahaan ka taagan yahay siyaasadda caalamka ama barbaarinta siyaasadeed ee qofka (Personal Political Socialization). Ujeedku waa inaan isla fahano in dagaallada ama khilaafaadka caalamka ka dhaca ay ku lug-leeyihiin hay’addo farabadan oo dowli ah iyo kuwa aanan dowli aheyn intaba, ayagoo danahooda gaarka ah ka fushada hadba dalkii kusoo dhaca dabinta colaada iyo fashilka. Dabcan dagaalka ka socda Ukraine kama aysan marneyn maskax, muruq iyo maal-galin shisheeya danta ay rabaanba haka yeeshaane, waxaase xusid mudan oo xaqiiqo ah inay dowlado farabadan siyaabo kaladuwan uga macaasheen dagaalka Ukraine, anagoo tusaale usoo qaadaneyna kuwaan hoose.
1. Mareykanka: dalka Mareykanka waa dal uu dhaqaalihiisu ku xiran yahay mowjadaha siyaasadeed ee hadba caalamka ka dhacaya maadaama dhaqaalaha dalkaas ay majaraha u hayaan shirakado waaweyn oo gaar loo leeyahay kuwaasoo macaashka iyo qasaaraha saamiyadooda ay go,aamiyaan dhaq-dhaqaaqyada dowladoodu kasameyso gudaha iyo dibada. Waxii ka danbeeyay dhamaadka Dagaalkii Qaboobaa (Cold war) waxaa aad hoos ugu dhacay qarashaadka ay dowladaha Yurub ama kuwa NATO ku bixiyaan dhanka difaaca ama gaashaan-dhiga ayagoo u arkayey inaysan jirin khatar kusoo wajahan, talaabadaas Mareykanku kuma uusan qanacsaneyn maadaama uu hoos u dhacay iibka hubka shirkadihiisa asagoo ku cadaadin jiray dalalka ku bahoobay NATO inay ugu yaraan 2% gaarsiiyaan yabooha miisaaniyadooda gaashaan-dhiga. Hadaba, dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine waxay soo nooleysay cabsida dalalka Yurub iyo NATO ayagoo ku qamaamay iibsashada hubka oo suuqiisa ugu weyn kuyaalo Mareykanka. Ciyaarta xeeladeysan ee shirkadaha Mareykanka ciyaarayaan ayaa ah in dowladoodu ku dhawaaqdo deeq lasiinayo Ukraine, Congresska oo si dadban ula shaqeeya shirkadaha hubkana ay si aqlabiyad ah u meel mariyaan kadibna uu Aqalka-cad deeqdaas go,aamiyo waxa lagu iibinaayo oo dabcan inta ugu badan hub looga iibiyo isla shirkadaha hubka soosaara sidii dhacday bishii April markii Mareykanku Ukraine ugu deeqay 33 bilyan oo dollar ayadoo 20 bilyan loo qoondeeyay in hub kaliya lagu iibiyo 13 bilyanna dhaqaalaha Ukraine lagu kabo. Â
Dagaalkan ayaa sidookale Mareykanka u suuragaliyey inuu go,doon dhaqaale galiyo Ruushka maadaama ay xayiraad dhaqaale iyo mid xiriir Ruushka kusoo rogeen dowladaha ugu dhaqaalaha balaaran aduunka. Ruushka ayaa dagaalka Ukraine ku muteystay in laga saaro ururo iyo hey’addo farabadan oo uu qeyb ka ahaa ayadoo loo arkayo inuu jabiyey xeerarkii iyo hab-dhaqankii lagu heshiiyey taasoo markale farxad galineysa Mareykanka.
Faa’ido kale ayaa ah in Mareykanku dagaalka Ukraine kutijaabiyey ama kudarsey qaabka ay ciidamada Ruushka u dagaal galaan, hubka ay isticmaalayaan, xeeladooda, marinada shixnadaha saadka usoo maraan iyo habac-sanaanta Ruushka ka haysata dhanka hanaanka difaaca maraakiibtiisa dagaalka kadib burburkii ku yimid markabkii dagaalka weynaa ee Moskva oo quusay bishii April markii gantaal lala beegsaday.
2. Turkey: dowlada Turkey-ga ayaa dagaalka Ukraine ka macaashtay kadib markii ay taajiriintii u dhalatay Ruushka ee kunooleyd dalalka reer Galbeedku soo wajahday cabsi maalkooda ah ayagoo ugu danbeyn u guuray oo soodhaweyn deegaan iyo maalgashi hubanti leh ka helay Turkey-ga, waana talaabo dowladda iyo shacabka dalkaas gacanta u galisay fursad maalgashi, kobac canshuur iyo shaqo abuur. Turkey-ga ayaa sidookale suuq aad u baaxad weyn ugu helay iibka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Bayraktar TB2 combat drone oo ay Ukraine u isticmaaleyso iska caabinta Ruushka.
3. India: dowlada uu hogaamiyo Nerandra Modi ayaa kadib xayiraadii lagu rogay iibka shidaalka Ruushka gacanta ku dhigtay shidaal aad u badan oo qiimahiisu aad uga jaban yahay qiimaha suuqyada caalamiga ah oo Ruushku usoo bandhigay maadaama uu baahi u qabay lacag cadaan ah oo uu ku maareeyo culeyska dhaqaalaha dalkiisa iyo mida dagaalka ka dhalatay. India ayaa dhanka kale ka faa’iday dagaalka Ukraine kadib markii uu raysal wasaarihii Pakistan Imran Khan oo ah wadan ay cadaawad soojireen ah ka dhaxeyso uu sababsaday xilkiisiina kuwaayey banaan-baxyo la sheegay inay dabada ka riixayeen dalalka reer Galbeedka oo masuugaya booqashadiisii Ruushka ama kulankii uu la qaatay Putin bilowgii dagaalka.
4. Qatar: dalka Qatar oo ah dalka 3aad ee aduunka ugu iibka balaaran gaaska dabiiciga ah ayaa kadib dagaalka Ukraine heshiis dhanka tamarta ah la gaaray dalka Jarmalka oo ah wadanka ugu dhaqaalaha weyn Yurub taasoo uu kudoonayo inuu kaga maarmo dhuumaha gaaska ka imaada Ruushka. Heshiiskan waxay Qatar ku dabooli doontaa 20-25% baahida gaaska dabiiciga ah ee Jarmalka taasoo fursad u heli karta in la kordhiyo sannad walba.
5. Venezuela: xiriirka Venezuela iyo Mareykanka oo aad usii xumaanayey waxii kadanbeeyay 2019-ka, ayadoo sida la sheegay ay jireen iskuday afganbi fashilmay oo meesha looga saarayey madaxweyne Nicolas Maduro markii danbana horseeday in hogaamiyaha mucaaradka Juan Guaido ay 57 dowladood oo Mareykanku horkacayo u aqoonsadaan hogaamiyaha sharciga ee dalkaas halka go,doomin iyo cunno qabateyn lagusoo rogay Maduro iyo dowladiisa. Venezuela oo kamid ah wadamada hodanka ku ah shidaalka ayaa waxaa marqura al-baabkeeda soo garaacay Mareykanka oo doonaya inuu xal u helo sare u kaca qiimaha shidaalka ee ka dhashay dagaalka Ukraine. Kulamo isku xigay oo lagusoo nooleynaayo xiriirka labada dal oo dhacay bilihii Maarso iyo April ayaa la isku afgartay siideeynta maxaabiis iyo in heshiis dhanka iibka shidaalka ah ay shirkadaha Mareykanku dib ula galaan dowlada Venezuela.
6. Sacuudiga: tan iyo markii uu xilka baneeyey Donald Trump oo xiriir adag la lahaa dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan, waxaa muuqatay kala durugsanaan dhextaala Joe Biden iyo Bin Salmaan oo la xiriirta dagaalka Yemen, dilkii wariye Jamal Kashoqi iyo kuwakale taasoo keentay inaan dhaxal-sugaha dhinaciisa lasoo eegin, balse sare u kaca qiimaha shidaalka ee kadhalatay dagaalka Ukraine iyo baahida uu Mareykanka u qabo helida shidaal badan ayaa keentay inuu Biden maslaxo iyo xod-xodasho ugu tago dhaxal-sugaha Sacuudiga oo door aan lasahlan karin kuleh go,aan kagaarida soosaarka iyo jaangoynta sicirka shidaalka wadamada ku bahoobay Ururka OPEC.
Gunaanad
Dagaal walba oo caalamka ka dhaca waxuu reebaa taariikh iyo xusuus gaar ah, waxuuna banaanka soodhigaa wajiga dhabta ah ee dowladaha sida tooska ah iyo sida dadban ugu lug-yeesha hadii ay tahay mid togan ama taban. Dagaalka Ukraine waxaan ka baranay baaqyo, cambaareyn, hiilo iyo humaag been ah oo hawada la isku-mariyo, ayadoo wadamadu danahooda shaqsiga ah ka hormarinayaan dhiiga qubanaya. Shaki adag ayaana kujira in markale dib loo arko Ukraine madax banaan oo ka talisa xuduudahii lagu yaqaanay, maadaama ay raqdeedu naas-irmaan u noqotay dalal badan.
W/Q: Xamdi Wardhere Maxamed
Email: zudeys9@gmail.com
Facebook: Hamdi Wardhere