Loolanka awoodda dalka SOOMAALIYA

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Midnimadu waa Xoog iyo Xornimo

Soomaaliya hoggaankeeda waxaa ku loolamaya rag leh qayb ama dhammaan sifahan hoos ku qoran:

  • Xil doon
  • Xoolo doon
  • Xil iyo Xoolo doon
  • Xil iyo Xal doon
  • Xal doon

Raggaas kor ku xusan waxay xubin ka yihiin kuwa hoos ku qoran:

  • Dagaal oogayaasha
  • Diin oogayaasha
  • Daba-dhilifyada
  • Saraakishii askartii dowladihii hore ee Soomaliya
  • Qab-qablayaasha qabaa’ilka
  • Agaasimayaasha Ururada maxalliga ama caalamiga ah
  • Hoggamiya dhaqameedyo gacan-rimis ah oo aan aheyn kuwa umadda matala
  • Culumo kala madhab duwan
  • Ganacsatada
  • Madaxweynayaasha goballada maamullada sameystey

Raggaas waxaa taageera oo ay ku tiirsan yihiin Hay’adaha ama dowladaha hoos ku xardhan:

  • Itoobiya
  • Soomaalida qarankooda jecel
  • Qabaa’ilka
  • Kenya
  • Djibuti
  • Eritirea
  • USA
  • EU
  • UN iyo hay’adaheeda kala duwan
  • Ururada Bulshada
  • Ganacsatada ku naaxdey xaaraanta
  • Soomaalida qurbaha
  • Shacabka Soomaaliyeed
  • Dowladaha Carabta qaarkood 

Caqabadaha ku hor-gudban dhismaha Qaran Soomaaliyeed:

  • Qabyaaladda iyo Qab-qablayaasha qabaa’ilka
  • Dagaal oogayaasha
  • Qaar ka mid ah Soomaalida Qurbaha
  • Itoobiya
  • USA
  • Dhaqanka Sad bursiga ee camimey carrigeenna Soomaaliya
  • Ganacsatada hubka, raashinka iyo daawooyinka dhacay, iyo Qaadka
  • Dhaqaala la’aan iyo shaqo la’aan baahsan oo haysato dhallinta iyo inta muruqmaalka ah
  • Wadaaddo seef la bood ah oo judbeysan
  • Wadaaddo kale oo ka baqaya kuwa judbeysan
  • Siyaasiyiin, saraakiil, qurba joog baagamuundo ah oo Xil iyo Xoolo doonnimo isku darsadey
  • Dhallinyaro iyo waayeel qaba cudurrada dhimirka
  • Arab League
  • EU
  • UN
  • Ururo u dhismey in ay dhuuqaan kuwa UN-ka ee gargaarka keena
  • Kenya
  • UNDP iyo dhammaan kuwa ay taageeraan
  • Musuqmaasuqa
  • Xaalufka dhirta iyo dhulka
  • IGAD
  • Habka barbaarinta ubadka
  • Habka dhaqan, bulsho iyo dhaqaale 

Dhismaha Qaran Soomaaliyeed 

Qaranka Soomaaliyeed dib-u-dhiskiisu wuxuu u baahan yahay in la helo tiirarkan hoos ku qoran: 

  • Madaxbannaani dhab ah
  • Hoggaamiyayaal iyo Kooxo xal doon ah ama ugu yaraan xil iyo xal doon ah oo ay umaddu soo dooratey.
  • Nabad
  • Caddaalad
  • Mucaarad daacad ah
  • Bulshada oo wacyigeeda kor u qaaddo
  • Sharci iyo xeer
  • Gole umaddu soo dooratey
  • Saxaafad wax-garad ah oo hufan
  • Xorriyadda hadalka
  • Akhlaaqda Islaamka
  • Jidad laami ah oo dalka isku xira
  • Boosto iyo is-gaarsiin isku xiran
  • Howl wadeenno ka madax bannaan siyaasadda
  • Axsaab siyaasadeed oo xal doon ah
  • Culumo aqoon iyo iimaan leh
  • Hoggaamiyo dhaqameedyo iimaan leh oo aqoon u leh xeerka ummadda

Si loo helo oo loo howl-galiyo tiirarkan kor ku xusan waxaa loo baahan yahay in la sameeyo dhammaan qodobadda soo socdo:

  • Waa in la joojiyo dhammaan colaadda kooxaha iyo qabaa’ilka ka dhexeysa. Waa in la joojiyo dhaqanka xun ee gacan ka hadalka. Koox iyo shaqsi walba oo daneynaya in uu talada waddanka qabto waa in uu ka soo dhalaalo/laan in uu yahay ama yihiin Xal doonayaal. 

Waxaa la is weydiin karaa, yaa billaabaya xabbad joojintaan, mar haddii aynu ku jirno xaalka aynu haatan ku jirno? Jawaabtu waxay tahay, inkastoo haatan ay aad u badan yihiin kuwa ku sifoobey Xil iyo xoolo doonnimo ayaa haddana waxaa jira in yar oo Xal doon ah. Marka intaas yaree xal doonka ah ayaa laga rabaa in ay iyagu billaabaan dhaqanka wanaagsan ee ah in la ixtiraamo ruuxa kugu diinta, dhaqanka, afka iyo waddanka ah haba kaa fikrad duwanaadee.

Waan in shaqsi kasta oo Soomaali ah uu isagu iskiis u garto in uusan u hiillin dhaqanka gacan ka hadalka ah. Waana in shaqsi walba oo Soomaali ah si ikhlaas kujiro isu weydiiyo kaalinta uu ku leeyahay in laga gudbo dhaqanka kala shakiga, kala cabsiga, isxaasidka, isquursiga, iyo sadbursidka oo dhammaan ah waxyaabo ku dhex milman Habka dhaqan, bulsho iyo dhaqaale ee Soomaaliya.

  • Hoggaanka halgamayaasha ee hadda jiraa waa in ay billaabaan in tuulo, degmo, iyo gobal kastaa billaabaan dhismaha bulsho wacyi leh. Dhismaha bulshada waa in lagu saleeyo wada hadal, isu-caqli celin, wada tashi iyo is-maqal. Dhismaha wacyiga bulshada waa in laga qayb galiyo dhammaan qaybaha bulshada sida: dhallinyarada, haweenka, carruurta dugsiyada (quraan iyo kuwa kaleba), macallimiinta quraanka iyo kuwa kaleba, odayaasha dhaqanka, ragga xil, xal, xoolo doonka ah dhammaan, culimada diin ogayaasha iyo kuwa kaleba, qaad walayaasha, ganacsatada, waran layaasha IWM. 
  • Dhismaha wacyiga bulshadu wuxuu u baahan yahay in tuulo, degmo iyo gobalba laga abaabulo Kulanno lagu lafa guro dhammaan caqabadaha hor taagan in la dhiso qaranka Soomaaliyeed. Kullannadan waa in lagu gorfeeyo sifaha Hoggaanka toosan ee xal doonka ah. Shirarkan waa in lagu falanqeeyo arrimaha la xiriiro taageerayaasha kuwa hoggaanka doonaya sida waddamada aynu kor ku soo sheegney oo waa in la isweydiiyo danaha ay waddamadaas iyo ururadaas naga leeyihiin iyo sidii loo caddeyn lahaa waxa danta ummadda soomaaliyeed ay tahay. 

Marka kullanadan la qabanayo waa in lala kaashadaa amaba ay daadihiyaan aqoon yahannada Soomaaliyeed ee xal doonka ah. Amuuraha looga hadlayo fadhiyadan waxaa ka mid noqon kara kuwan hoos ku dhigan oo ay habboon tahay sida ay u kala horreeyaan in loo kala hor mariyo:

b. Nabadda iyo  wada noolaashaha

t. Maamulka iyo caddaaladda

j. Xeerarka iyo sharciga sida nidaamka xulashada hoggaanka bulshada

x.  Xuquuqda shaqsiga iyo xorriyadda hadalka

kh. Xiriirka iyo isgaarsiinta bulshada oo ay ugu horreyso dhismaha jidad isku xira tuulooyinka, degmooyinka iyo gobballada.

d. Dhaqaalaha iyo isku tiirsanaanta

r. Waxbarashada iyo barbaarinta carruurta

s. Caafimaadka dadka iyo xoolaha

sh. Dhisida howl wadeenno siyaasadda ka madax bannaan oo aqoon, karti, hufnaan, ammaano iyo daacadnimo isku darsadey

dh. Joogteynta kulunnadaan bulsha dhiska oo yeelanayo guddiyo had iyo jeer ka baaran dego oo ka tala bixiyo dhammaan arrimaha ku xusan B. ilaa Sh.

  • In tuulo, degmo, iyo gobal kasta laga soo xulo Hoggaamiyayaal in-dheer garad ah, daacad ah, akhlaaqda islaamka leh oo Xal doon ah. Hoggaamiyayaashani waa in ay yihiin kuwa aan xil iyo xoolo toonna u bukin. 

Hoggaamiyayaashaani waa in ay yihiin diricyo aad u jecel madax bannaanida ummadda Soomaaliyeed, xirfad, karti iyo aqoonna u leh sida loola tacaalo waddamada duullaanka ku ah madaxbannaanida ummadda Soomaaliyeed.

  • Mar kasta oo hoggaan la doorto laga soo billaabo tuulada ilaa gobalka waxaa ay tahay in la garowsado in ay jirayaan dad mucaarad ku ah hoggaankaas. Kuwaas mucaaradka noqda ha ahaadeen Xil doon, Xoolo doon ama Xil iyo Xoolo doon, ha ahaadeen kuwo iibsanaya madax bannaanida ummadda Soomaaliyeede waxaa waajib ah in Booskooda la ixtiraamo oo loo furo albaab ay fikradahooda mucaaridnimo kala soo galaan. Iyaguna waa in ay ixtiraamaan oo daacad u ahaadaan hoggaanka ay bulshadu xulatey. Kaliya mucaaradkan shaqadiisu waa in ay ahaato in ay saxaan wixii hoggaanka la xushey uu xumeynayo. Marna waa in aan mucaaradka laga yeelin in ay dumiyaan dhisidda bulshada iyo tiirarkeeda aan kor ku xusney. 

Mucaaradkani wuxuu xaq u leeyahay xorriyadda hadalka waana in la dhegeysto oo wax laga qabto dhibaatooyinka ay tabanayaan haddii xil doon ay tahay ama xoolo doon amaba xal doon.

In mucaaradku daacad noqdo iyagana fursadda la siiyo waxay daawo u tahay dagaalka sokeeye ee na halakeeyey. Sida hadda dhacda waxaa weeye in mar kasta oo wax la dhisayaba laga dhigo hal koox oo isku fikir ah wixii fikirkaas ka horyimaadana la tuuro. Ha la ogaado ummadda oo dhan ilaahey ma simin isku fikirna kulligood hal mar ma noqon karaan oo ilaahay bini-aadamka wuxuu ka dhigey sida faraha oo kale.

  • Waxaa la yiri “hadal haan ma buuxsho.” Maah maah kale ayaa waxay aheyd “meel hoo u baahan hadal wax kama taro.” Dadka Soomaaliyeed maanta waxay u baahan yihiin hoggaan si dhab ah oo la taaban karo oo “practical” ah wax uga qabta in ay ummaddu is-barato, is-jeclaato, is-booqato, is-kaashato, dhaqaalaha iyo dhaqanka is-weydaarsato.

Hoggaanka halgamayaasha iyo midka ay ummaddu soo xulato ayaa laga rabaa in ay si deg deg ah u hirgaliyaan laba waxyaabood oo wax ka tari karo arrimaha aynu ku xusney qodobkan lixaad:

B. Boosto iyo is-gaarsiin isku xiran laga soo billaabo tuulo ilaa caasimadda.

T. Jidad laami ah oo isku xiro dhammaan degmooyinka iyo goballada Soomaaliya.

Waxaan anigu aaminsanahay in isgaarsiintani ay tahay saldhigga nabadda iyo wada noolaashaha Soomaaliya. Dhisidda waddooyinka, boostada iyo is-gaarsiintu waxay markiiba si waaqici ah wax uga qaban karaan kobaca dhaqaalaha, is-dhexgalka ummadda, Is-barashada dadka, is-booqashada dadka, is-kaashiga, is-taageeridda, isu-soo-dhawaanshaha iyo is-afgaradka ummadda guud ahaan. Waxaa aad u sahlaananeyso in dadku iska warhayaan oo BBC aynan warka u kala qaadin ama dagaal oogayaashu ugu kala sheekeeyn.

Dhismaha jidadku waa in ay ka billaabato degmo kasta. Degmo kasta waa in ay yeelato Guddi u raadiya dhaqaale lagu dhiso jidadka degmadaas iyo tuulooyinkeeda. Guddiyada degmooyinkana waxay ku midoobayaan hal Guddi Qaran oo isku xira howsha dhammaan guddiyada degmooyinka. Guddiyadan iyo Guddiga guudba waa in ay ka madaxbannaanaadaan siyaasadda. Siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaashuna waa in ay gacan siiyaan guddiyadan.

Qormadeyda waxaan ku soo gaba-gabeynayaa walaalayaal “Midnimadu waa Xoog iyo Xornimo.” Mahadsanidiin.

W/Q: Wali Farah

wfarah@rogers.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online